|

Siyaasi C,rashiid Xasan Mataan oo Fariintii Siyaasadeed ee Ugu Wanaagsanayd Ku Khatimay Sannadkii Dhamaaday ee 2016 Isagoo u Diray Gudoomiyihiisa Cirro iyo Gudoomiye Muuse Biixi DAAWO

Boorama 01. January 2017 (SDN/QJ):- Cabdirashiid Xasan Mataan Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga Waddani ayaa ka ka falceliyey dhawaqyo kaga Yimid Hogaanka Sare ee Xisbiga Kulmiye isagoo Si Gaar ah Fariin ugu diray Murashaxa Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Sidoo Kale Wuxuu Siyaasi C.rashiid Xasan Mataan Fariin u diray Murashaxa Xisbiga Waddani C.raxmaan Cirro.

“Muuse Biixi waxaan leeyahay Haddii lagaa reebay Axmed Xuseen Ciise, Samaale, Jamaal iyo Maxamed B. Yoonis, waxaad xaqiiqsataa in aanay jirin Cid kaa reebaysa Cabdiraxmaan-Cirro oo isaga waad tartamaysaan..”

“Waxaad ku tartamaysaana waa Shacab Mideysan oo aan la qaybin, markaa waxa loo baahan yahay inaad labadiinuba isku timaaddaan oo aad Shacabka wada-jir ula hadashaan, Eedaymaha Shaqsiga ahna aad ka noqotaan…..”

Comments are closed