|

Wefdi Uu Hoggaaminayo Musharraxa Madaxweyne Ku-Xigeen Ee X.WADDANI Oo Hoygiisa Ku Booqday Abwaan Af-Gudhiye Oo Borama Ku Xanuunsanaya DAAWO

Boorama 01. January 2017 (SDN/QJ):- Iyada oo uu u jiifey beryahanba Abwaan Af-gudhiye xanuun daashadey ayaa waxaa magaalada Boorama Hoygiisa uu ku deggan ku booqdey Musharaxa madaxweyne ku-xigeen xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Amb.Maxamed Cali Aw-cabdi,Waxaana ku weheliyey booqashadiisa Xog-hayaha Warfaafinta ee xisbiga WADDANI Pro.Cabdirashiid Xassan Mataan iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xisbiga WADDANI.
Musharaxa madaxweyne ku-xigeen xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Amb.Maxamed Cali Aw-cabdi,oo hadallo kooban goobtaasi ka jeediyey ayaa Illaahay uga baryey abwaanka in uu caafimaad siiyo,isaga oo sidoo kale ugu baaqey mas’uuliyiinta dawladda iyo dadka muslimiinta ahba in ay caawimo soo gaadhsiiyaan Abwaan Af-gudhiye.

Geesta kale Musharaxa madaxweyne ku-xigeen xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Amb.Maxamed Cali Aw-cabdi iyo wefdiga uu hoggaaminayaba waxay guddoonsiiyey Abwaan Af-gudhiye qaddar lacageed oo deeq ah oo ay ugu tala galeen abwaan Af-gudhiye.

Comments are closed