|

Eedayn Musuq Maasuq Oo Loo Jeediyay Maayarka Saylac Iyo Maayarka Oo Iska Difaacay, Sheegayna In Laga Been Sheegayo Oo Aanu Lunsan Xoolo Umaddeed

Saylac 01. January 2017 (SDN/QJ):- Maayarka Golaha Deegaanka Degmada Saylac Xuseen Iidle Barkhad ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedo Musuq Maasuq oo loo jeediyay kaasi oo ku saabsan Lacag dulsaar ah oo la sheegay inuu dul dhigtay Guriga Martida Magaaladda Lawyacado oo dib hayn lagu sameeyay.

Waxa sidoo kale lagu eedeeyay inuu qandaraaska siiyay nin ay ilmaadeer yihiin oo uu heshiis kula galay inay wax Wada Cunaan,Waxa uu maayarku sheegay in lacagtaasi ay kuwada baxday Guriga Martida Saylac,oo aanu waxba meel kale marin,Waxa uu sidoo kale sheegay in Ninkii Qandaraasta siiyay uu saluugsan yahay lacagtaasi oo aanay waxba uga soo hadhin,waxaanu sheegay in Wakhtigan uu adag yahay Dhismuhu oo Agabka dhismaha,sida Ciida iyo Dhagax oo loo doonto Meelo fog fog.

Qoraal dheer oo eedayn Musuq maasuq ah ayaa marka hore naga soo gaadhay Nin lagu Magacaabo Farxaan Maxamed Yuusuf oo ka mid ah Masuuliyiinta Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ee Gobolka Salal,Waxa uu maayarka Golaha Deegaanka Saylac ku eedeeyay inuu ku takri falay hantidii umadda ee loo igmaday,Waxaana uu sheegay inuu wax aan caqliga saliimka ah gali Karin uu ku sheegay inuu dib ugu habeeyay Guriga Martida Lawyocado oo aad u kooban oo dhawaan xadhiga laga jaray,Waxa uu been cad oo Musuq Maasuq ku sheegay inaan Gurigaasi dib loogu habayn lacag gaadhaysa 16000-kun oo dolaar balse ay ku jirto lacag dulsaar ahi,Waxa uu sheegay inay Reer Lawyacado la yaabeen lacagta intaasi leeg markii uu maayarku sheegay inuu ku dhisay,isagoo intaa raaciyay in lacag 5000-kun oo Dolars gaadhaysa in gurigaasi dib loogu habeeyay,oo ay been tahay waxa uu maayarku sheegay,Waxa kale oo uu sheegay in Guriga waxyar lagu daray ee uu hore iskaga taagnaa oo uu dhisnaa,Waxa hadda laga qabtayna tahay oo qudha jiingada oo laga badelay,Marmar iyo Qol yar oo koshin ah oo loo dhisay.

Haddaba Maayarka oo aanu khadka Telefanka kula Xidhiidhnay ayaa iska difaacay eedayntaasi Musuq Maasuq ee loo soo jeediyay,waxaana uu sheegay in lacagtaasi ay jirto,islamarkaana ay wada gashay Guriga Martida Lawyocado,Waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “16000-kun ee aad sheegayso horta way jiraan oo waa lagu dhisay Aqalka,Laakiin waxa ku jirto Boqolkiiba 10.745- oo Baanka dhexe iyo Dawladu kala hadhayso cashuur ahaan looga jarayo Lacagtaasi,Aqalka Cabirkiisu waa 16-Mitir oo dhinac ah,iyo 18-Mitir oo dhinac ah,Aqalka dib u habayna waa lagu sameeyay,Dhismayaalna waa lagu kordhiyay,laba darbi oo dumayna waa la dhisay,injineero ayaa qiimeeyay,Ninkii dhisayna Waabu cabanayaa haddadana,waxaanu ka cabanayaa hawsha ayaa ku balaadhatay oo waxbuu ku daray,Dawlada Hoose waxay leedahay Gudi Qandaraas,oo xiitaa anigu kuma jiro Gudida,Waa shan qof,kuwaasi ayaa kala saara Qandaraaslayaasha,anigu Meel aan ka gali karaaba majirto,Waxaasina waxa idiin soo gudbisay cid aan waxba ka ogayn gurigaasi markaa Waa sidaasi”.

Maayarku waa uu ka gaabsaday inuu wax intaasi kabadan faah faahin ka siiyo Wargeyska Foore,Waxa kale oo uu sheegay in Gudoomiye ku xigeenkiisu uu safar ku maqnaa oo aanu waxba kala socon Dhismaha dib uhaynta ah ee lagu sameeyay Gurigaasi.Dhinaca Kale, Gudoomiye Ku Xigeenka Golaha Deegaanka Saylac Sacad Daahir Cige oo aanu khadka telefanka kula xidhiidhnay,waxna ka waydiinay Musuq Maasuqan lagu eedaynayo Golahooda ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo,Waxaanu sheegay inaanay arintaasi ku haboonayn inuu wax yidhaahdo,waxaanu iskaga riixay maayarku inuu arintaasi dhinac iskaga leexiyo.

Sidoo kale,Xoghayihii Fulinta Dawlada Hoose ee Saylac Bashiir Cilmi Waabari ee arintani wax ka ogaa oo aanu isku daynay inaanu arintani wax ka waydiino ayaanay noo suurta galin inaanu khadka telefanka ku helno sabab la xidhiidha Telefankiisa oo uu naga xidhay kadib markii uu maqlay in Warbaahintu baadhayso musuq maasuq lagu sameeyay Guriga Martida Lawyocado oo ka mid ah Mashaariicda GPLG ee Hurumarinta Dawlada Hoose ee ay iska kaashadeen Ilo, Unhabitat, Undp,Unds, Iyo Unicef,islamarkaaan ubaahan in dabagal lagu sameeyo qaabka Mashaariicdaasi loo fuliyo.

Comments are closed