|

“Wiilkii yaraa ee Soomaaliya ka yimid ee oo aan erey English ah aqoon, ma saadaalin lahayd inuu maanta heerkan soo gaarayo, Waa riyo rumowday,” Mo Farax

London 01. January 2017 (SDN/QJ):- Orodyahanka Somali-Birtishka ah Mo Faarax ayaa lagu daray diiwaanka boqoradda UK ee dadka la sharfay ka dib markii uu ku guuleystay bilado badan oo dahab ah.

 

Mo Farax oo 33 sano jir ah, wuxuu helay laba billadood oo dahab ah oo isku xiga tartankii Rio, taas oo ahayd guushiisii afaraad ee dahabka.

 

Wuxuu noqday qofka labaad ee keli ah ee dahab ka qaata tartamada Olimbikada ee 5,000m iyo 10,000m.

 

Guul weyn iyo safar uu muddo dheer ku soo jiray ayaa la sheegay guushan iney uga dhigan tahay Mor Farax oo isagoo sideed sano jir ah galay dalka Britain kana yimid Somalia.

 

“Wiilkii yaraa ee Soomaaliya ka yimid ee oo aan erey English ah aqoon, ma saadaalin lahayd inuu maanta heerkan soo gaarayo, Waa riyo rumowday,” ayuu yiri Mo Farax.

Comments are closed