Gudoomiyaha Gobolka Hawd & Mas’uuliyiin Wehelisa oo Kormeer Ku Soo Maray Deegaano Ka Tirsan Gobolkaas
Hargaysa 31. December 2016 (SDN/QJ):-Badhasaabka Gobolka Hawd Ibraahin Xasan Cali, Iyo Wafi Uu Hogaaminaayo Ayaa Kormeer Ku Tegay Degmada Sayla Ee Hawd, halkaas oo ay u kuurgalaayn xaladda Abaaraha ee Dad Iyo Duunyo.
Badhasaabka oo ay waftigan Ku wahelinayaan Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Hawd Gashaanle Dhexe Axmed Cabdilaahi. Guddoomiyaha Maxakmadda, Taliyaha Xabsiga Baligubadle, iyo Gudiga abaaraha ee heer gobol, ayaa markii ay Gadheen Degmadda Sayla waxa xalada degmadaasi warbixin ka siiyay waftiga maayirka Degmadda Sayla Khaliif, waxana uu ka waramay Xaladda Degaanada hoosyimaadda Degamadda Sayla oo ay ka jiraan xalad abaareed, amaanka degaankaasina uu yahay markii uu ugu wanaagsana.
Geestiisan Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Hawd Gashaale Dhexe Axmed Cabdilaahi, ayaa dadwayanaha Degmada Sayla ka codsay in ay joojiyaan Shidista Dhuxusha oo xaalufin ba’an ku haysa Degaanadaasi.
Gabagabadiina Badhasaabka Gobolka Hawd, Ibraahin Xasan Cali. Oo halkaasi ka hadlay waxa uu baaq u diray Xukuumadda, Gudida abaaraha Heerqaran, oo uu sheegay In dadka Degaanadaasi ay u baahanayihiin Gurmad degdega iyada oo xalada dadka reer guraaga ah ee Xiligan ay tahay wakhigii ugu adkaa.