“Axmed Muumin Seed khiyaamo ayaa ku dhacday, balse khiyaamado kagamay dhicin Xisbiga Waddani, ee waa la garanaya halkay kaga dhacday” Prof Geedoole
Hargaysa 31. December 2016 (SDN/QJ):-Wasiirkii hore ee Wasaaraddaha Beeraha iyo Waxbarashada Prof: Faarax Cilmi Geedoole oo hadda ka mid ah Xisbiga Mucaaradka ee Waddani,ahna Siyaasi ka soo jeeda Gobolka Awdal, gaar ahaan Magaalada Boorama, ayaa ka hadlay shir maalmihii ugu dambeeyey Magaalada Hargeya ku dhexmaray hogaanka sare ee Xisbiga Waddani iyo Madax-dhaqameedka Beesha Habar Caafan ee Gobolka Awdal oo uu ka soo jeedo.
Wasiirkii hore ee Wasaaraddaha Beeraha iyo Waxbarashada Prof: Faarax Cilmi Geedoole oo Wargeyska Geeska Afrika wareysi gaar oo shirkan ku saabsan siiyey ayaa sidoo kale sheegay in Axmed Muumin Seed uu xisbiga KULMIYE khiyaameeyay, waxaanu ugu horayn isagoo shirkaas ka hadlaya uu yidhi “Shirkan muddo saddex maalmood ah ayuu ka socday Magaalada Hargeysa, waxaana Shirkan ka qayb galay madax-dhaqameed,Salaadiin Cuqaal iyo Odayaal ka tirsan 12-ka jilib ee Beesha Habar Cafaan,Rag ka tirsan Golaha Dhexe ee Xisbiga, Xildhibaan ka tirsan Golaha Deegaanka ee Magaalada Boorama, dhinaca Xisbiga Waddani-na waxa hogaaminayey Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), Hogaamiyaha Xisbiga Xirsi Xaaji Cali, Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa iyo Rag kale oo ka tirsan Hogaanka Xisbiga, waxaana Shirkan lagaga wada hadlay arimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin in aanay Beelna u xidhayn Xisbi gooniya, oo ay Beeshu xor tahay, oo ay jiraan dad iyagu ku biiray Xisbiga Kulmiye, qaar ku jiraan Xisbiga UCID, qaarna ku jiraan Xisbiga Waddani, oo aanay Beesha Habar Cafaan u xidhayn Xisbiga Kulmiye, waxaana lagaga wada hadlay shirkan sidii Xisbiga dib u habayn loogu sameeyn lahaa, madaama ay ka tageen Xisbiga Rag ku jiray sida Guddoomiye ku xigeenkii kowaad iyo Guddoomiye ku xigeenkii labaad, markaas marnaba Beesha Habar Cafaan Xisbiga Waddani ka tagi mayso, inay cudud iyo taageero balaadhan ku soo kordhiso mooye, qodobo aad u fara badan ayaana laga wada hadlay, saami la siiyo Beesha ayaa laga wada hadaly, waana la is afgartay”.
Prof: Faarax Cilmi Geedoole ayaa mar uu ka hadlaayey Axmed Muumin Seed ayaa yidhi “Axmed Muumin Seed khiyaamo ayaa ku dhacday, balse khiyaamado kagamay dhicin Xisbiga Waddani, ee waa la garanaya halkay kaga dhacday, khiyaanadaasi halka ay ka soo fushay, kolay aniguna ma jecli in aan diirka ka qaado halkay khiyaanadu kaga dhacday, kolay aniga qudhayda taas Axmed ku dhacday ayaa anigaba hore iigu dhacday, sidaan hore uga aamusna ayaanan uga aamusaya, laakiin Beesha Habar Cafaan wey fahmeen khiyaanada uu Xisbiga Kulmiye ku hayo, Xafladii Boorama lagu qabtayna waxba looguma tarin iyaga iyo Axmedba, laakiin Axmed Muumin Seed waxaan leeyahay Xisbiga Waddani waa laga jeclaa, inaad ka tagto may ahayn, laakiin rajo wanaagsan baan kuu raynayaa”.