Warkii Ugu Saamaynta Xumaa ee Naxdin Ku Beeray Ummada Somaliland oo Xalay Laga Sii Daa’ayay Idaacada Radio Hargaysa Iyo Telefishanka Qaranka Somaliland,Muxuu Daaranaa? DAAWO
Hargaysa 30. December 2016 (SDN/QJ):- Habeenkii Xalay Waxaa Kediso Ku Noqday Ummada Somaliland Kadib Markii laga sii Daayay War Dhiilo leh Kaas oo Lagu Bilaabay ‘’Warar Mudooyinkaba lagu baahinayay Mareegaha Bulshada ayaa Lagu Sheegay in Xisbiga Waddani uu Shirqool u Maleegay Wasiirka Warfaafinta,Iyo Wacyigelinta Mudane Cismaan C.laahi Saxardiid ‘’Caddaani’’.
Warkan Masiibada wataa Waxa laga soo Xigtay Barkulan aan Si rasmi ah loo aqoonsan Karin Cida Leh Hasa Yeeshee Waxaa Lagu Kala Qoqobayay Beelaha Somaliland Waxaa la Magac Dhabayay Mid ka mid ah Beelaha Somaliland ee ay dhalasho ahaan ka soo wada Jeedaan Gudoomiye Cirro iyo Wasiir Caddaani.
Qof Hadlayay ayaa Sheegaya in Meel la saaray Wasiir Caddaani oo dhaqankiisa aanay Beeshiisu u Bogin,Isla markaana laga Takhalusayo lamase Garanayo Qofka uu Qofkani Yahay.
Hadalka Shakhsiyaadkan oo la sheegay in laga soo qaatay Group ay ku Midaysan Yihiin Taageerayaasha Xisbiga Waddani Gaar ahaana Beesha Gudoomiye Cirro isla markaana hadii dhinac kale laga eego aan loogu talo galin Qalabka Warbaahinta Khaasatan ka la wada leeyahay ee dawlada Sida Idaacada, Iyo Telefishanka Qaranka ayaa Baahiyey in Wasiir Caddaani Shirqool lagaga Takhalusayo ay Beesha Galbeedka Burco Diyaarisay.
Marka Gees Kale laga eego Waxay dad badani u fasirteen Mid uu Wasiir Caddaani Isku Iibgeynayo oo Xisbigiisa Kulmiye ugu Bandhigayo Heerka Cadaawadeed ee uu ku Kasbaday Taageerida Xukuumada iyo Xisbigeeda Kulmiye.
Hasa Yeeshee Damaca Wasiirka marka dhan la iska dhigo Wuxuu Warkani Fidno ku ahaa Shacabka Somaliland oo lagu Kala qoqobayo beelo beelo.
Sidoo Kale Baraha Bulshadu ku Kulanto ayaa Si Xun u dhaleeceeyay Warkaas Dhiilada leh ee Laga Baahiyey Idaacada Radio Hargaysa iyo Telefishanka Qaranka.
Bal ila eeg Qaabka ay Idaacada Radio Hargaysa Warkan u Baahisay
Dhanka Kale Codka Laga Sii Daayay Telefishanka Iyo Idaacadii Radio Hargaysa ayaa odhanayay.