|

Mashiinkii Lagu Sameyn Jiray Baasaboorka Somaliland oo Cil Awgeed u Fadhiistay

Hargaysa 29. December 2016 (SDN/QJ):- Mishiinkii lagu daabaci jiray baasaboorka Somaliland, ayaa gebi ahaan ba u fadhiistay cilad farsamo oo soo foodsaartay taasi oo sababtay in uu boqolaal dadweynaha oo baasabooro doonayaa ay maalmahii ugu dambeeyey mashquul ka dhigaan xarunta laanta Socdaalka ee magaalada Hargeysa.

Xidhiidh aanu la samaynay mas’uuliyiin ka tirsan laanta socdaalka Somaliland oo ka gaabsaday in aanu xusno magacooda, ayaa noo caddeeyey in cilad farsamo ay ku timi mashiinkii isla mar ahaantaana aanu waxba daabacayn, waxaana ay xuseen in hada laga shaqeynaayo siddii loo dayac tiri lahaa ciladdaas farsamo ee ku timi, iyaga oo sida oo kale noo xaqiijiyey in toddobaadkii ugu dambeeyey aanay jirin wax shaqo ah oo ay ku qabteen mashiinkaasi.
Xarunta Laanta Socdaalka ee Hargeysa, ayaa lagu arkaayey dad tira badan oo ku soo ururay xaruntaasi kuwaasi oo dalbanaayey loo sameeyo Baasaboorka Somaliland halka kuwa kale na ay codsanayeen in la soo siiyo Baasaboorkaas oo ay hore u dalbadeen sameyntiisa balse ay muddo dheer sugaayeen.
Mishiinka sameeya Baasaboorka Somaliland, ayaa inta badan ay warbaahintu ku soo warantaa in ay cilad farsamo ku timi, taasi oo xanibta shaqadii ay Laanta Socdaalku ay u hayso Somaliland ee samaynta Baasaboorada, waxaana sameynta Baasaboorkaas dadka laga qaadaa lacag dhan $154dollar.

Comments are closed