|

Dhacdooyinkii Ugu Khatarsanaa Sanadka 2016 !

Hargaysa 27. December 2016 (SDN/QJ):-Waxaynu ku jirnaa maalmihii ugu danbeeyay ee sanadka 2016ka, iyadoo sanad kasta oo ina soo mara uu watto waayihiisa gaarka ah iyo sidoo kale dhacdooyinkiisa taariikhda galla ee aan marna la iloobin.

Waxaana lagu tilmaamay sanadkan inuu ahaa sanad Siyaasi ah oo ay dhaceen dhacdooyin layaab leh marka loo eego dhinaca siyaasadda Adduunka, haddaba  waxa uu halkan idiinku soo gudbin doonaa, 10kii dhacdo ee ugu khatarsanaa ee taariikhda galay sanadkan 2016ka.

  1. Madaxweynaha Cusub ee loo doortay madaxtinimada dalka Maraykanka ee Donald Trump oo noqday siday warbaahinta reer galbeedku soo bandhigtay shakhsiyada ugu muhiimsan sanadkan, waxaana sabab u noqotay inuu soo bandhigay hadalo aad u layaab badan xilligii ollolaha Doorashada dalkaasi Maraykanka, isagoo sheegay inuu ku kici doono arrimo aad u layaab badan oo ay ka mid yihiin Dhisida Gidaarka u dhexeeya Dalkiisa iyo Dalalka Latin America siday soo bandhigtay Majalada wararka ee la yidhaaTime ee kasoo baxda dalkaasi Maraykanka oo Wargeyska himilo ka soo xigtay warbixintan.
  2. Dalka Britain iyo ka bixistii Midawga Yurub: waxa uu ahaa go’aan taariikhi ah waana dhacdooyinkii aadka looga hadal hayey sanadkan Dunida Daafaheeda oo dhan, waana arrintii ku kaliftay Ra’iisal wasaarihii Dalkaasi ee David Cameron inuu xilka iska casilo, sidaasina uu dalka Britain kaga baxay Midawga Dalalka Yurub ee uu ka mid ahaa muddo dhan 43 sano.
  3. Qaraxyadii ka dhacay magaalooyinka Nice Brussles : Guud ahaan Adduunka waxa laga dareemay qaraxyadii ka dhacay magaalada Brussles ee Dalka Belgium bishii March ee sanadkan ee ay ku dhinteen 34 Ruux halka ay dhaawacyo kasoo gaadheen 135 Ruux.
  4. Geeridii Feedhyahan Mohamed Ali Klay: Waxay aheyd Geeri ay dad badan oo Adduunka ku nool ka murrugoodeen, maadaama oo uu hoyday Feedhayahankii Caanka ahaa Ee Mohamed Ali Klay oo isagu ahaa Shakhsi aad loo yaqaanay Adduunka kuna caan baxay Feedhkii Miisaanka Cuslaa, waxaana ka qayb galay Aaskiisa qaar ka mid ah Madaxweynayaasha Caalamka, waxaanu ahaa Feedhyahanka kaliya ee ku guuleystay Tartanka Feedhka ee Miisaanka culus Saddex jeer.
  5. Geeridii Madaxweyne Fidel Castro : Waxa isla sanadkan aynu ku jirno geeriyooday Madaxweynihii Dalka Cuba, waxaana lagu tilmaamay Fidel Castro inuu ahaa Hoggaamiyihii ugu danbeeyay ee Shuuci ah, waxaanu ka talinayay Dalkaasi Cuba muddo 49 sano ah, waxaana lagu tilmaamay inuu xukunka Dalkaasi ku hayay Gacan Bir ah, isagoo ka mid noqday Shakhsiyaadka ugu caansanaa ee ku jiray Dagaalkii Qabboobaa ee Adduunka.
  6. Shilkii Diyaaradii Rakaabka ee laga lahaa Dalka Masar: Shilkii naxdinta lahaa ee ku dhacay Diyaaradii Rakaabka ee laga lahaa Dalkaasi Masar mid ka mid ah ayaa noqday dhacdooyinkii ugu murrugada badnaa ee soo maray Adduunka sanadkan aynu ku jirno gabagabadiisii, waxaanay noqotay arrin ay warbaahinta Adduunku aad uga hadashay, Diyaaradan ayaa kasoo kicitintay Magaalada Paris ee Dalka France, waxaanay ku socotay magaalo madaxda Dalka Masar ee Cairo, waxaana ku geeriyooday 66Qof oo la socday, iyadoo la sheegay in badankoodu ay kasoo jeedeen magaalo kaliya.
  7. Rio Olympics : Waxa sidoo kale ka mid ahaa dhacdooyinkii ugu khatarsanaa sanadkan tartankii ciyaaraha Olymic-da ee lagu qabtay Dalkaasi Brazil, haddaba waxa ugu yaab badnaa oo dhacay intii tartankaasi lagu guda jiray Aroos ay isku guursadeen laba Ciyaartooy oo ka socday Dalka China oo u kala tartamayay Ragga iyo Dumarka Dalka China, isla markaana waxa uu meherkoodii ka dhacay isla Stage-kii lagu guddoonsiinayay Abaalmarintii tartanka ee ay ku guuleysteen.
  8. Sawirkii Ilmihii yaraa ee u dhashay Dalka Syria ee Cimraan: Halka ay dad badani ku faraxsanaayeen noloshooda waxa ku habsaday sanadkan iyo sanadadii ka horreeyay ba Dalka Syria dhibaatooyin aad u fara badan,waxaana lagu soo bandhigay sawirka dhaawaca soo gaadhay Ilmaha yar ee Cimraan Daqnish, isagoo saaran gaadhi Ambulance ah kadib markii ay Ciidamada Cirka ee dalkaasi Syria gantaal la beegsadeen gurigii ay daganaayeen, waxaanay noqotay dhacdadaasi mid argagax galisay Adduunka.
  9. Afgembigii dhicisoobay ee Dalka Turkiga : Waxa sidoo kale ah arrin taariikhiya oo aan la iloobi doonin Afgembigii dhicisoobay ee ka dhacay Dalka Turkiga 15kii bishii July ee sanadkan, waxa kaloo ay noqotay arrin aad loola yaabo siday shacabka Dalkaasi u taageereen Madaxweynahooda Erdogan iyo sida ay u ilaashadeen nabadgelyada iyo jirtaanka Dalkooda.
  10. Dilkii Safiirka Ruushka u fadhiyay Turkiga: Dilkii lagu khaarajiyay Safiirkii Ruushka u fadhiyay DalkaTurkiga ayaa ahaa dhacdadii ugu danbaysay ee ugu layaabka badnayd ee ina soo martay isla sanadkan gudihiisa, waxaana aad looga hadal hayay labadii toddobaad ee ina soo dhaafay dhamaan Adduunka, waxaana layaab laheyd in dilkaasi markii uu dhacayey si toos ah muuqaal looga duubay oo adduunka oo dhan laga daawaday.

Diyaarintii :Axmed Cabdiraxmaan Cabdalle (Axmed-Fadhi ).

Comments are closed