|

‘’Dadka Xamar Lagu Dooranayo Xidhiidh Lama Laha Somaliland oo Ma Meteli Karaan Laakiin Anigu Xidhiidh baan La Leeyahay,Sidoo Kale Majeereen Nagama Qaadi Karo Dhulkayaga’’ Gudoomiye Faysal Cali Waraabe DAAWO

London 26. December 2016 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe oo Waraysi ku Siiyay Magaalada London Weriye Cag ma dhige oo ka Tirsan Telefishanka Universal ayaa ka hadlay Xubnaha Magaca Somaliland kaga qayb qaadanaya Xildhibaanada Aqalka Hoose iyo Ka Sare ee Dawlada Federaalka Somalia Waxaanu Cadeeyay inaan Shakhsiyaadkaasi haba yaraatee Matalin Somaliland.

Eng Faysal Cali Waraabe Waxaa Kale oo uu Sheegay in Maamul Goboleedka Somaliyeed ee Punt Land in aanay Dhul Somaliland Xuduudeeda ka Mid ah Sheegan Karin,Waxaa Kale oo La Weydiiyey Hadii ay Wada Hadlaan Punt Land iyo Somaliland Cida u Matali karta dhanka Somaliland Wada Hadalkaas Waxaanu Ku Sheegay inay u diri doonaan Badhasaabka amase Gudoomiyaha Laascaanood ee Gobolka Sool iyo Ka Garowe inay wada hadlaan,Isagoo intaas ku daray in Wixii Somaliland ay ka Tirsato Punt land ay kala Xaajooto dawlada Federaalka Somalia.

Comments are closed