|

Faysal Cali Waraabe Oo Sheegay In Puntland Aanay Deegaannada Xuduudka Ku Yaalla Xoog Iyo Siyaasad Kaga Qaadi Karin Somaliland

Hargaysa 26. December 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Xisbiga UCID, ahna Musharraxa Madaxweynah ee Xisbigaasi Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ka hadlay Masuuliyiinta Reer Somaliland ee Xilalka ka haya Dalka Soomaaliya.

 

Faysal oo Wareysi siiyey Telefiishanka Universal, ayaa sheegay in Dadka u dhashay Somaliland ee xilalka ka haya Soomaaliya, ayaanay wax xidhiidh ah la lahayn Somaliland, isla-markaana haysan wax ogolaansho ah oo u fasaxaya inay Magaca Somaliland Xilal kaga qabtaan Dawladda Muqdisho.

“Dadkaasi xidhiidh lama laha Somaliland, mana Matali karaan oo ogolaansho kama haystaan, laakiin waa Dad asal ahaan Somaliland ka yimid. Maalinta Somaliland u baahato inay Soomaaliya la hadasho ama wax la qaybsato Annagoo Somaliland ah iyo iyagoo Soomaaliya ayaanu wada fadhiisanaynaa, iyagu toban (Maamul) ha isku qaybiyaan, laakiin waa Somaliland iyo Soomaaliya.”

Faysal waxa kale oo uu sheegay in reer Puntland aanay Gobollada Sool iyo Sanaag ee Somaliland aanay ku qaadan karin Isir ahaan, “Sow Itoobiya lamaynaan Dagaalamin, Sow inooma suurto-geli waayin inaynu Soomaali Isir ahaan meel iskugu keeno, dee in Harti Isir ahaan meel iskugu tagi maayo oo wax Caqliga gala maaha. Annagana Majeerteen nagama qaadi karo Xuduudka Somaliland, Siyaasadna nagagama Qaadi karo, Xoogna nagagama qaadi karo.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in aanay Somaliland Xuduud la lahayn Puntland ee ay Soomaaliya la leedahay, “Annagu Xuduud lama lihin Puntland oo waa Gobolkii Majeerteeniya, laakiin waxaanu xuduud la leenahay Soomaaliya, markaa wixii noo dhexeeya Annaga iyo Reer Garoowe waxaanu kala hadlaynaa Muqdisho.”

Faysal oo la waydiiyey haddii Dawladda Soomaaliya ay Maamulka Garoowe u xil-saarato inay Somaliland la hadasho, ayaa ku jawaabay, “Badhasaabka Laascaanood baanu u direynaa, markaa Badhasaabka Garoowe iyo Badhasaabka Laascaanood ha wada hadlaan.”ayuu yidhi.

Comments are closed