|

Qisada Qabashadii Saddaam Xuseen, Qasankii Sirdoonka Maraykan & Calaamadihii Lagu Xaqiiqsaday!

Baqdaad 26. December 2016 (SDN/QJ):- Sarkaalkii ugu horreeyey ee Waraystay markii la qabtay Madaxweynihii hore ee dalka Ciraaq Marxuum Saddaam Xuseen 13-kii December 2003-dii wuxu ahaa John Nixon oo ka tirsan Sirdoonka Maraykanka ama Hay’adda loo yaqaan CIA-da.

 

Jariiradda caanka ah ee Daily Mail, ayaa toddobaadkan Waraysi ka qaaday John Nixon, waxaanu markii koowaad si xiiso leh uga warramay sidii ay maalintaas wax u dhaceen iyo wixii ay kala muteen isaga iyo Saddaam Xuseen.

 

“Sideed toddobaad oo keli ah ayaan joogay Ciraaq markii la ii soo sheegay in Askar Maraykan ah oo baadhaysay Beer ku taalla magaalada uu ka soo jeeday Saddaam Xuseen ee Tikrit ay God ka soo saareen Nin gadh weyn oo Koodh madoow xidhan, waxaana loo badiyey in uu Saddaam Xuseen yahay. Saddaam Xuseen wuxu Sirdoonka Maraykanka ugu qornaa sumadda ah ‘High Value Target No 1’ oo macnaheedu yahay; Dambiilaha ugu qiimaha sarreeya ee la baadi-goobayo.” Sidaa ayuu yidhi John Nixon.

 

Waxaanu intaas ku sii ladhay; “Agaasimihii Hay’adda Sirdoonka (CIA-da) ee Maraykanka Buzzy Krongard iyo Saraakiil ka tirsan Xafiikiisa ayaa ii yeedhay, waxaanay i weydiiyeen sidii aan u soo xaqiijin lahaa Qofka godka laga soo saaray in uu yahay Saddaam Xuseen iyo in kale. Waxan u sheegay in Saddaam Xuseen uu gacantiisa Midigta is-tun ku sameeyey oo wax kaga Sawiran yihiin, Lugta Bidixna ay mar rasaasi kaga dhacday, dibintiisa hoosena ay dhinac u yara janjeedho, calaamadahan oo aan qaarkood daraaseeyey ka dib markii aan daawaday Fiidyawyo laga soo duubay.”

 

“Waxa markaa hadalkii iga soo dhex galay Agaasime Krongard, wuxuna igu yidhi; ‘Waxaannu kaa rabnaa in aad soo xaqiijiso in uu yahay Saddaam laftiisii oo aanu ahayn Raggii loo ekaysiiyey ee uu ku raad-gadan jiray’. Waxan ogaa in ay tahay Khuraafaad Sirdoonka Maraykanku aamminsan yahay in ay jiraan Rag Saddaam loo ekaysiiyey, waxaanse go’aansaday in aan iska aammuuso oo aan hawshayda guda-galo. Waxaan ka bilaabay in aan isku dubba-rido su’aalo uu Saddaam Xuseen oo keli ahi ka jawaabi karo.” Sidaa ayuu yidhi Sarkaalkaas Sirdoonka Sare ee Maraykanka ka tirsanaa.

 

John Nixon waxa uu sheegay inay u shiraacdeen dhinicii uu Saddaama ku waraysan lahaa, waxaanu yidhi; “Askartii godka ka soo saartay Saddaam Xuseen 13-kii Diisember 2003-dii ee Millateriga Maraykanka ka tirsanaa,  waxay go’aansadeen in ay isla habeennimadiiba Maxbuuska u soo wareejiyaan Madaarka Baqdaad, waxaana la go’aamiyey in aan Waraysiga koowaad isla goobtaas kaga qaado. Saqdii dhexe ayaa Gaadhi nala saaray ay wadeen Rag xidhan Muraayadda Habeenkii wax lagu arko, Gaadhigii aannu saarnayn waxay ku kaxeeyeen 100 Mayl Saacaddiiba, Dhulka aannu maraynay wuxu ahaa mid ka caaggan Baabuurta, dhinacyada dariiqa waxa ku yaallay Sekado Guryo ah oo ay geli jireen Ciidammadii Jamhuuriga ee ilaalada u ahaa Saddaam Xuseen.”

 

“Waxaannu soconnaba Madaarkii ayaannu gaadhnay, haddana waxay noqotay in aannu cabbaar Madaarka gudihiisii ku sugno, ka dibna waxa naloo oggolaaday in aannu Maxbuuskii la kulanno. Isla markii aan Indhaha qac ku siiyeyba, waxa ii caddaatay in Maxbuusku yahay Nin leh Haybad Madaxeed. Wuxu ahaa Nin dheer, dhererkiisu wuxuu ka badnaa 1 Mitir iyo 86 Sentimitir. Wuxu ahaa Nin jidhkiisu dhisan yahay oo toosan. In kastoo uu ogaa in qoorta loo dheerayn doono, haddana wax kalsooni-darro ahi kama muuqan, wuxuu isku arkayey Nin muhiim ah.”

 

“Markii koowaad ee aan la hadlay waxa noo kala af-celinayey turjumaan, waxaanan ku idhi; ‘Waxan kuu hayaa su’aalo aan jecelahay in aan ku weydiiyo. Waxan kaa rabaa in aad sida runtu tahay uga jawaabto. Ma fahantay? Saddaam Xuseen: Madaxa ayuu lulay! Aniga: Goorma ayay ahayd markii kuugu dambaysay wiilashaada oo nool oo aad aragto? Waan filayey in uu Saddaam noqonayo qof madax adag, laakiin waxa iga yaabiyey sida kibirka leh ee uu iigu jawaabay.  Wuxu yidhi “Horta yaad tihiin? Ma sirdoon milatari ah ayaad tihiin? Ma sirdoon caadi ah ayaad tihiin? Ii jawaaba. Caddeeya cidda aad tihiin?!” sidaa ayuu yidhi John Nixon oo waraysi dheer oo xiiso badan bixiyey.

 

La Soco Qaybta Labaad iyo Warbixinta Xiisaha Qisadaas Haddii Illaahay yidhaahdo…….

 

Xigasho Wargeyska Ogaal

Comments are closed