|

Kenya oo ka cabsi qabta in mar kale Dowlada Soomaaliya Xayiraad kusoo rogtay Jaadka kadib markii….

Nairobi 26. December 2016 (SDN/QJ):- Wargeysyada ugu afka dheer ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa qoraya in ay jiraan cabsi la xariirta in Dowlada Soomaaliya ay mar kale xayiraad kusoo rogto jaadka laga dhoofiyo dalka Kenya ee la geeyo gudaha Soomaaliya.

 

Dowlada Kenya ayaa la sheegay in aysan waxba ka hirgalin Heshiiskii ay magaalada Muqdisho kuwa saxiixdeen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Kenya Uhurru Kenyatta.

 

Heshiiska labada Madaxweyne kala saxiixdeen 13-kii bishii September ee sanadkan ayaa dhigaya in dowladda Kenya ay fududeyso duulimaadyada ka imaanaya Soomaaliya oo markii hore lagu dhibi jiray magaalada Wajeer.

 

Dowlada Kenya ayaana Heshiiskaasi oo waqtigii ay dhaqan galin laheed laga soo gudbay hada lasoo darisray cabsi la xariirta in Dowlada Soomaaliya ay mar kale qaadato go’aan adag oo ay xayiraad ku saareyso jaadka laga keeno dalka Kenya oo dhaqaalo badan kasoo gala dowlada dalkaasi.

 

Saraakiil katirsan dowlada Kenya oo la hadlay Wargeysyada dalkaasi kasoo baxa Qaarkood ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya laga yaabo in xayiraad deg deg ah mar kale kusoo rogto Jaadka laga dhoofiyo Kenya ee la geeyo Soomaaliya.

 

Masuuliyiin katirsan Dowlada Soomaaliya ayaa u sheegay Warbaahinta dalka Kenya in dadka Soomaaliyeed wali lagu dhibaateeyo duulimaadka ay ku aadayaan dalak Kenya , waxa ayna sheegeen in Dowlada Kenya aysan hirgalin Heshiiskii ay horey ula gashay Dowlada Soomaaliya.

 

Diyaaradaha Muwaadiniinta Soomaaliyeed ka qaada dalka Soomaaliya ee ku wajahan gudaha Kenya ayaa inta aysan gaarin magaalada Nairobi waxaa lagu baaraa garoonka diyaaradaha magaalada Wajeer halkasa oo la sheegay in ay kala kulmaan dhibataooyin badan.

 

Dowlada Soomaaliya ayaa looga fadhiyaa go’aanka ay ka gaari doonto jaadka laga keeno dalka Kenya oo dhibaatooyin dhaqaale iyo mid caafimaad daro ku haya bulshada Soomaaliyeed ,halka Dowlada iyo dadka Kenya ay ka helaan Jaadka Soomaaliya la keeno malaayiin Dollar oo lacag ah .

Comments are closed