|

Kenya: Haweenka Soomaalida Oo Laga Wacy-gelinayo Raacitaanka Mootooyinka

Nairobi 26. December 2016 (SDN/QJ):- Barnaamij dumarka lagaga wacyigalinayo inay raacaan mootooyinka ama dhugdhugleyda ayaa ka bilaabmay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.

Wacyigalintan ayaa imaanaysa iyadoo ay soo badanayeen in dhawaale dumarka Muslimiinta ah gaar ahaan dumarka Soomaalida ah ee raaca mootooyinka xaafadaha Soomaalidu u badan tahay ee caasimadda Kenya ee Nairobi gaar ahaan Islii.

Wacyigalinta ayaa waxaa masuuliyiinta wada ku jira culimada uu mid yahay sheekha caanka ah ee Maxamed Cabdi Umal.

Barnaamijka ayaa waxaa loogu magac daray  ‘Badbaadi Walaashaa’. Gabdhaha ayaa la doonayaa in lagaga joojiyo raacitaanka mootooyinka ama Gaadiidka Kenya looga yaqaanno ‘Boda boda’.

.”Waxaanu bilownay-wacyigalinta xiligii ugu horeeyay ee mootada ama bodaboda ay soo baxday oon umalaynayo sanad iyo ka badan inay ahayd’. Sidaa ayuu sheekhu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Anshaxa iyo akhlaaqda oo uu ka mid yahay xishoodka; iimaanka iyo xishoodka waa la lammaaniyay buu yidhi rasuulku scw. Ruuxii aan xishood lahayn iimaan malaha”

Wacyi-gelintan ayaa timid, ka dib markii Haween badan oo Soomaaliyeed dhibaato kala kulmeen Gaadiidka Mootooyinka ah, sida inay qaarkood la dhacday oo ay wacyeelo ka soo gaadhay iyo qaarkood lagula baxsaday oo la faro-xumeeyay.

Comments are closed