|

Loolanka Murashixiinta Jagooyinka Madaxweyne ee Somalia oo Heer Kulkii u Sareeyay Gaadhay & Halku dhegyada Murashixiinta Warbixin Xiiso Leh

Muqdisho 25. December 2016 (SDN/QJ):- Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa ku soo qulqulaya xildhibaannada aqalka hoose iyo kuwa aqalka sare ee lagu soo doortey xarumaha maamul goballeedyada dalka si ay maalmaha soo socda u yeeshaan fadhiggii ugu horeeyay una doortaan guddoonka baarlamaanka, waxaana ay sii dooraan doonaan madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

Haddaba akhriste waxaa doorashadda madaxweynaha ee sannadkan 2016-ka u taagan dhowr iyo toban musharrax kuwaasoo badi gaaray magaalada Muqdisho,halkaasoo kulamo iyo wadatashiyo ay ka wadaan.

In kastoo maaliba maalinta xigta ay soo baxayaan musharrixiin u taagan xilka madaxweynaha haddana ilaa hadda inta sida saxda ah ugu dhaawaqay in ay yihiin tartamayaan waa qiyaastii ilaa 20 musharrax,kuwaasoo dhammaan doonaya in Soomaaliya ay madaxweyne ka noqdaan.

Musharrixiinta tartamaya

Musharrixiintan u taagan xilka madaxweynaha ayaa isugu jira kuwa muddo siyaasadda ku jiray, kuwa dhawaan soo galay iyo kuwa ku cusub dhammaantoodna waa rag marka laga reebo haweeney ka dhex muuqata.

Akhriste waxaa kaloo jirta in tiradan musharrixiinta kala bar waxa ay sitaan baasabooro ajnebi ah sidda Mareykan, Yurub iyo Australia.

Dhammaan musharrixiintan mid kasta ayaa sheegaya in uu yahay musharraxa kaliya ee dalka iyo dadka ka badbaadin kara xaaladda adag ee Soomaaliya ku jirto.

Hal ku dhigyada musharrixiinta

In kastoo musharrixiinta hal ku dhigyo aysan sameesan haddana kuwa boorarka waaweyn ku dharariyeen waddooyinka Muqdisho waxaa ay ku qoreen erayo isku toosan oo taabanaya baahida muwaadinka Soomaaliyeed.

Mid walba musharrixiintan waxa ay ka simman yihiin soo celinta nabadda iyo ammaanka haba lagu kala duwanaado qeybaha kale.

Qabyo Ninkeeda ayaa dhammeestira

Hal ku dhiggan waxaa leh madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo afartii sanno ee la soo dhaafay madaxweyne ka ahaa dowladda hadda jirta, waxaana isagoo hal ku dhigaas sii dhexmaraya uu doonayaa in u sheego shacabka iyo xildhibaannada in howlaha ay meel wanaagsan marayaan inta dhimmana uu diyaar u yahay in uu dhammeestiro.

“Dadka Soomaaliyeed oo dhan ayaan u adeegay dalka Soomaaliya ayaan u adeegay mar kale waa in fursad la ii siiyo iyadoo aan ka dhabeenayo hal heeskii ahaa qabyo ninkeeda ayaa dhammeestira wixii qabyo ah waan dhammeestireynaa wax cusub oo maanta imaan karin balse marka qabyad la dhammeestiro immaan kara waan soo kordhineynaa” ayuu yiri musharrax madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuuud oo mar kale raba in la doorto.

Musharrax Cumar Cabdirashiid (Xasilloni siyaasadeed)

Musharrax Cumar Cabdirashiid oo labo jeer ra’iisal wasaare soo noqday waxaa uu ku dooyaa is fahan dhexmara madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha ay horseed u tahay siyaasad deggan oo keeni karta in lagu guuleysto dhammaan howlaha loo igmaday dowladda afarta sanno ee soo socota.

Musharrax Cumar Cabdirashiid ayaa hal ku dhigga doorashada ka dhigtay Xasillooni siyaasadeed oo uu kaga jeedo in haddii uu madaxweyne noqdo aysan is qaban doonin isaga iyo ra’iisal wasaarihiisa.

“Ummada Soomaaliyeed waxa ay u baahan tahay xasillooni siyaasadeed iyo mid amni lagu taabagaliyo wax yaabaha harsan ee 2020 la doonayo in lagu gaaro hal qof iyo hal cod doorashadeyda in la gaaro hadii is qabqabsi iyo wax yaabo kale ay yimaadaan in afarta sanno ee dhimman ay noqon doonto in wax yaabo badan laga gaabiyo” ayuu yiri musharrax Madaxweyne Cumar Cabdirasiid Cali Sharmaake.

Musharrax Shariif Sheekh Axmed (Hoggaamiye la tijaabiyey)

Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxaa hal ku dhig u ah ololaha doorashadiisa Hoggaamiye la tijaabiyey waxaana uu sheegay in haddii uu markale soo laabto uu awooda ugu badan isugu geyn doono dhinac waxbarashada isagoo aaminsan haddii waxbarashada la hormariyo dalka uu horey u soconayo dhibaatooyin badan oo hadda la dagay dalkana laga nabadgalayo.

“Waxa kaliya ee aan ku badbaadi karno waa in aan kor u qaadno aqoonteenna fursad la siiyo shacabka Soomaaliyeed in ay helaan waxbarasho haqabtirto baahida ay u qabaan waxbarashadda, shacabka Soomaaliyeed dhallinyarado waa 70% in ka badan marka haddii aan la helin waxbarasho ku habboon 70% dhibaatada iyo fakhriga waxa uu u soconayaa siddiisii” ayuu yiri musharrax madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Musharrax Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo) Danta Dalka iyo Dadka

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo horrey ra’iisal wasaare u soo noqday isla markaana ka qeybgalay doorashadii 2012-kii ayaa markale raba in uu tartamo waxaana hal ku dhig u ah Danta dalka iyo dadka ayaan ka shaqeyn doonaa, waxaa uu haystaa taageerada shacabka.

RW hore ee Soomaaliya ayaa hadii doorasho shacab ay dhici laheyd heli lahaa codadka ugu badan, hase ahaatee waa inuu talaabadiisa ku daraa inuu hanto ragga kooban ee dooranaya madaxweynaha.

Musharrax Cabdi Raxmaan Cabdishakuur waxaa hal ku dhig u ah (Isku tashi)

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo horrey wasiir u soo noqday ayaa raba in uu isna abuuro isku tashi ummadda Soomaaliyeed oo aan meel kale lagu tiirsanaan.

Shariif Xasan Sheekh Aadan oo labo jeer soo noqday guddoomiye baarlamaan ayaa imminka doonaya in uu katartamo doorashadda madaxweynaha Soomaaliya, waxaana hal ku dhig u ah, Horumar, Caddaalad, Midnimo iyo Isbaddal.

Shariif Xasan waa nin siyaasadda muddo ku soo jiray mar la weydiiyay bal waxa uu siyaasadda ku jecel yahay, waxa uu sheegay in qof kasta uu lee yahay xirfad “Marka anniga xirfadeydu waa siyaasadda” ayuu yiri.

C/Raxmaan Faroole

C/Raxmaan Sh Maxamed Faroole waa madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, waxaa uu kamid yahay musharaxiinta utaagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Ololahiisa doorashada waxaa ugu weyn inuu doonayo isbadal ka duwan kii mudooyinkii lasoo dhaafay ka jiray gudaha Soomaaliya.

Akhriste ma ahan musharrixiintan aan xusnay kuwa u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya balse waxaa jira kuwa kale oo iyana qaba aragtiyo ka agdhow musharrixiintan ama ka fog.

Soomaaliya ayaa isbaddal cusub galeysa marka la doorto madaxweyne cusub waxaana dad badan ay ka dhowrayaan bal cidda noqon doonta madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya.

Comments are closed