|

Murankii u Xooganaa oo Ka Taagan Xubnaha Aqalka Sare Ee Matalaya Somaliland iyo Dib u dhacyad Doorashada DAAWO

Muqdisho 25. December 2016 (SDN/QJ):- Waxaa Weli la isku Mari la’ yahay Sidii loo qaban lahaa Doorashada Xubnaha aqalka Sare ee Baarlamanka Somalia u matalaya Somaliland iyadoo 11 Xubnood oo loo qorsheeyay Somaliland ay Punt land ku doodayso in laba Xubnood oo ka imanaya deegaanada Sool iyo Sanaag ay iyaga raacaan.

Geesta Kale Guddiga federaalka hirgelinta Doorashooyinka dadban (GFHDD) ee Somalia, ayaa ka hadlay Khilaafka ka taagan doorashada xubnaha aqalka sare ee Beelaha Somaliland.

Gudiga  ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen, waxay ku sheegeen inay iyagu leeyihiin go’aamada xilliga ay billabanayso Doorashada Aqalka sare ee Somaliland iyo ku dhawaaqida musharaxiinta ku guulaysta kuraasta aqalkaas.

GFHDD ayaa ku baaqay in looga danbeeyo go’aanka doorashada, waxaana uu ugu baaqay Gudiga Doorashada Somaliland inuu faraha kala baxo arrimaha Doorashooyinka Aqalka sare ee ka dhacay Muqdishu.

Hadalkan ayaa yimid markii Guddiga Doorashada Somaliland ay shaaciyeen in Maalintii Shalay oo Sabti ahayd lagu qaban lahaa Magaalada Muqdisho doorashada kuraasta Aqalka sare ee beelaha kasoo jeedo gobollada Waqooyi,Taas oo Mar Kale Dib u dhac Ku Yimid.

Dhanka kale, Siyaasiyiinta kasoo jeedo beelaha Waqooyi oo ay mas’uuliyiin sare ku jiraan ayaa waxay soo saareen War Saxaafadeed ay ku dalbadeen in aqalka sare laga siiyo 33%, taasi oo ka dhigan 18 Xunbood, halka hadda laga siiyay 11 Kursi.

Siyaasiyiinta Somaliland ee ku shiray Muqdishu, ayaa ku baaqay in loo laabto Saami-qeybsigii 1960-kii lagu heshiiyayy kaasi oo ah in Gobollada Waqooyi ay ka helaan dowladda Saddex Meelood meel (1/3).

                                       Halkan Hoose Ka Daawo Warbixintan

Comments are closed