|

Xog-warran xiiso leh oo lala yeeshay hoggaamiyaha Saldannadii u horreysay ee Bulshada Gabooyaha Somaliland

Hargaysa 25. December 2016 (SDN/QJ):- Suldaan Naasir Suldaan Cabdi Ismaaciil oo ka mid ah madax- dhaqameedka beelaha laga tirada badan yahay ee Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana ah saldannadii ugu horreysay ee beeshaasi yeelato, ayaa markii kowaad waxa uu si faahfaahsan uga hadlay sooyaalkiisii nololeed, ka dhaqan iyo kaalintii uu ka soo qaatay dib-u-dhiska qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Suldaan Naasir Suldaan Cabdi Ismaaciil wuxuu ka mid yahay ah hal-doorka madaxda dhaqanka ee Somaliland ee wax ka qabtay arrimaha bulshada uu hoggaamiyaha u yahay, waxaannu arrimahan kaga xog-waramay waraysi dhinacyo badan leh oo uu siiyay barnaamijka ku dayo muwaadinka dantaadda guud wax weyn ka soo qabtay rubuc qarnigii tegay, kaas oo uu soo agaasimay aqoonyahan Rashiid Sulub Caalim.

Ugu horayn, Suldaan Naasir Suldaan Cabdi Ismaaciil wuxuu ka hadlay xiligii uu dhashay, goobtii uu ku dhashay iyo halkii uu waxbarashadiisa ku soo qaatay, waxaannu yidhi; “Waxaan dhashay sannadkii 1970 horaantiisii magaaladan Hargaysa iyada ayaan ku soo barbaaray, waxbarashadaydii u horaysay isla Hargaysa ayaan ka bilaabay, markii uu dagaalku ka dhacay Somaliland sannadkii 1988-kii, anigoo fasalka 2aad ee dugsiga sare ah ayaan u qaxay Muqdisho, halkaas oo aan ku dhammaystay waxbarashadii sare.”

Waxa kaloo uu ka hadlay xiligii uu qabtay saldanadan uu hayo, waxaannu yidhi; “Waxaa la ii doortay xilkan markii uu geeriyooday alle ha u naxariistee aabbahay Suldaan Cabdi Ismaaciil Mire oo Shiine ku magac dheeraa 14-kii bishii September 1991kii, waxaannu xiligaas aabbo ku geeriyooday Jigjiga oo wakhtigaas aanu qaxooti ahaan ku joognay, waxaana la igu caleemo-saaray isla xabaasha dusheeda.”

Suldaan Naasir, ayaa sidoo kale iftiimiyey doorkii uu ka soo qaatay horumarinta bulshada uu dhalasho ahaan ka soo jeedo iyo danta guud ee dalka waxa uu ka qabtay, “Markii aan xilkan qabtay waxaan ku soo beegmay marxalad kala-guur ahaa, maadaama markaas uun uu dhammaaday dagaaladii, waxaan u hawlgalay sidii ummadda aan hoggaamiyo oo ka qaxday dhulkii ay ka awoow ka awoow ku dhaqnaayeen ugu soo celin lahaa, waxaa kaloo aan ka qaybqaatay dhismihii tiirarka dawladnimo ee Somaliland,” ayuu yidhi suldaanku.

Suldaan Naasir oo la weydiiyey sida ay u gutaan shaqo maalmeedkooda haddii ay yihiin salaadiinta amma dadka madax-dhaqameedka ah, waxa uu ku jawaabay; “Sideedaba suldaanku amase madax-dhaqameedku waa sida Madaxweynaha oo kale, waxaanu hayaa mas’uuliyadda beeshiisa iyo ta deegaanka uu ku nool yahay, wuxuu leeyahay cuqaal, wuxuu leeyahay sama-doono wixii warbixin ah ee ay hayaan ayay u keenaan hoggaankooda dhaqanka oo uu u sareeyo suldaanku, markaas ayuu go’aan qaataa isagoo la-tashina la sameeya madaxdiisa dhaqanka ee ka hoosaysa, markaas nidaamkaas ayaan ku shaqaynaa.”

Suldaan Naasir Suldaan Cabdi Ismaaciil waxaa kale oo uu jawaab ka bixiyey wixii uu u qabtay beesha uu suldaanka u yahay, waxaannu yidhi; “Markii xilkan aan hayo la ii caleemo saaray waxay isbeddelo siyaasadeed ka dhaceen Somaliland iyo Itoobiya, waxaan ka mid ahaa koox dhallinyaro aqoonyahano ah oo isweydiisay sidii aan uga bixi lahayn faquuqa iyo ta-koorkan bulshadayda lagu hayo, waxaannu isla qaadanay erey-bixin odhanaysa in waxan nalagu caayo aanu qaadano, isla markaana aanu u aragno magac ahaan, balse aanay wax kale ahayn. Waxa aan tallaabadaas ka hirgalinay xarunta dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ee Jigjiga, taas oo ilaa maanta ay ku dhaqmaan, sidoo kale dalkeena Somaliland ayaan fikirkaas ka hirgalinay, waxaanan dareemayaa inuu wax badan taray dadkayga oo markii kowaad iyagu is aqoonsaday.”

Waxa kaloo Suldaan Naasir uu sheegay inay jireen caqabado la soo dersay muddadii ay halgankaas wadeen, waxaanu ku soo koobay inay ka mid tahay in qof sii dhimanaya oo islaam ah oo bulshadiisii kale ay xaqireen, isla markaana duudsiyeen xuquuqdiisii ay xooga saareen sidii ay qofkaas uga dhigi lahaayeen mid nool, una sheegeen in aanay jirin cid ka nasabsan, ka diin wanaagsan, taasina ay tahay mid xannuun badan, isagoo intaas ku daray in Ilaahay (SWT) ay la kaashadeen arrintaas, kuna dumiyeen darbigaas adag ee ahaa takoorka lagu hayo bulshada beelaha Gabooyaha.

Suldaan Naasir Suldaan Cabdi Ismaaciil waxaa kale oo uu xog-warankiisa ku sheegay in maanta ay soo dhammaadeen faquuqii iyo midab-takoorkii ay dadkiisu la kulmi jireen, waxa qudha ee u hadhayna ay tahay sidii halka ay maanta joogaan uga sii hor mari lahaayeen dhaqaale ahaan, aqoon ahaan iyo siyaasad ahaanba.

Comments are closed