Wasiir Ka Tirsan Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo Indhaha Ka Laliyey Su’aal Laga Weydiiyey in Shaqaale Dawladeed ay u Ololeeyaan Xisbiga Kulmiye
Hargaysa 23. December 2016 (SDN/QJ):-Wasiir ka tirsan xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa si cad idhaha uga qarsaday, in qaar ka tirsan shaqaalaha dawladu ay u ololeeyaan, xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE.
Wasiir wasaarada cadaalada Somaliland Mudane Axmed Faarax Caddare mar uu wareysi siinayay wargeyska Geeska Afrika ayaa waxaa uu indhaha ka qarsaday in shaqaalaha dawladu, u ololeeyaan qaarkood xisbiga KULMIYE,waxaanu mar arintaas wax laga weydiiyay uu uu si sahlan ugu jawaabay “Ilama, aha in shaqaalihii dawladu u ololeynayaan, sharciguna umuu fasixin”
Wasiirkani cadaaladu ayaa sitoosa indhaha uga laliyay, wax ka qabashada iyo joojinta shaqaalaha dawlada, ee ololaha ugu jira xisbiga uu ka midka yahay, ee Kulmiye.
Dhawaan ayay aheyd markii xisbiga KULMIYE uu magacaabay koox garabka dhalinyaradda ah oo u shaqeeya xukuumadda Somaliland, kuwaasi oo lagu eedeeyay gudoomiyaha xisbiga KULMIYE in si sharciga iyo qawaaniinta baal- marsan u magacaabay.
Sidoo Kale Shirweynihii Garabka Dhallinyarada Heer Qaran ee Xisbiga Kulmiye ee Todobaadkii tegay Hargaysa ku soo Xidhmay ayaa Waxaa ka dhex Muuqday Tiro badan oo ka mid ah Shaqaalaha Dawlada Kuwaas oo ka badheedhay Taageerida Xisbiga Kulmiye.