|

‘’Isma Hurtooy Ha Is Halaynin, Mawqifyada Siyaasadeed ee aad kala aaminsan tihiin waxaa ka Wanaagsan Xoojinta Waxyaabaha aaad wadaagtan ‘’ Wariye Ayaanle Xuseen Cabdi oo Fariin u diray Somaliland & Khaatumo DAAWO

Oslo 23. December 2016 (SDN/QJ):-Wariye ka mid ah Warfidiyeenada Bulshada Somaliyeed ayaa fariin dareen taabasho leh u diray Somaliland iyo Khaatumo oo Shir ugu soo dhamaaday Magaalada Addis ababa ee Dalka Itoobiya.

Wariye Ayaanle Xuseen Cabdi isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxaa uu yidhi “Waxay Ila Tahay Hadii La Doonayo in wada hadalku midha dhalo in odayaasha dhaqanka loo daayo,oo siyaasada iyo gacan saddexaad labadaba laga saaro, mawqifyada siyaasadeed ee aad kala aaminsan tihiin waxaa ka wanaagsan xoojinta waxyaabaha aaad wadaagtan ee aan marnaba idin kala geyneyn, ee wada jirkiina iyo walaal-tinimadiina ilaalinayaa,taasina waxaa aan ka wada hadii aad ku mashquushaan Soomaalinimo iyo Islaamnimo, waad kala tageysan oo waxaad noqoneysaan laba qabiil oo Somali ah”

Comments are closed