|

Maxay Somaliland la yimaaddeen Xubnaha Ka Socda ECHO & OCHA ee Kulammada la yeeshay labada Dhinac? DAAWO

Hargaysa 23. December 2016 (SDN/QJ):-Wefti ka socda Hay’adda Xidhiidhka Gargaarka Bina-aadaminnimo qaabbilsan ee OCHA iyo Midawga Yurub ee ECHO, ayaa soo gaadhay Somaliland, isla markaana kulammo kala duwan kula yeeshay Hargeysa Guddiga Gurmadka Abaaraha Heer Qaran iyo Madaxweynaha Somaliland oo ay ka wadahadleen sidii ay uga qaybgaadan lahaayeen Caawinta Dadka Abaaruhu ku saameeyeen gobollada dalka qaarkood.
Inkasta oo kulammada kala duwan ee ay Xubnaha Weftigan ka socda Midawga Yurub iyo OCHA la yeesheen Guddiga Abaaraha iyo Madaxweynaha Somaliland Axmed-Siilaanyo, uu ahaa mid ay albaabbadu u xidhnaayeen oo ay Warbaahintu dibedda ka joogtay, haddana markii uu soo dhammaaday waxaa Saxaafadda si wada-jir ah ula hadlay Afhayeenka Madaxtooyada Xuseen-Dayr iyo Xubnaha kala metelayey OCHA iyo ECHO.
Waxay labada Masuul ee OCHA iyo ECHO u hadlay sheegeen in iyaga oo ka jawaabaya Baaqa Somaliland ee in looga soo gurmado dhibaatada Abaartu keentay, ay ka qayb-qaadan doonaan caawimada iyo gargaarka loo baahan yahay ee ay wax ka qaban karaan ee la gaadhsiinayo Dadka ku dhaqan gobollada ama deegaannada Abaarta ba’ani ka jirto ee Somaliland.

Comments are closed