‘’Lacagta Daynta ah ee Maqani Cid Kuma Maqna Balse Shaqadii la qabtay ayay Ku Maqan Tahay’’ Maareeyaha Wakaalada Horumarinta Waddooyinka oo Ka Hor Yimid Eedayntii Wasiir Cali Mareexaan DAAWO
Hargaysa 23. December 2016 (SDN/QJ):- Maareeyaha Hay’ada Waddooyinka Somaliland Prof Xasan Cali Cismaan ayaa ka waramay Kharashaadka kala duwan ee Galay Dhismaha Waddada Ceerigaabo.
Wasiirka Hawlaha Guud oo ay Hoos Timaado Hay’adani ayaa Hore eedayn uu Warbaahinta Mariyey Wuxuu ku Sheegay inuu Wasiirkii Hore ee Madaxtooyadda haatana ah Hogaamiyaha Xisbiga Waddani inuu kala Wareegay Dayn aad u badan,Hasa Yeeshee Maareeyaha Hay’ada Wadooyinka ayaa Cadeeyay in Dayntaasi aanay Cid Gaar ah ku Maqnayn balse Shaqadii la qabtay ay Ku Dhex Jirto