|

Gudoomiye C.raxmaan Cirro oo ka Digay Dhaxalka ay Yeelanayaan Weerarka Mas’uuliyiinta Mucaaridka Gaar ahaan Waddani DAAWO

Hargaysa 23. December 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa dhalliilo xooggan ku hurgufay Xisbiga KULMIYE ee sii dhacaaya, waxaana uu sheegay in muddooyinkii dambe ay si aada u soo badanaysay falalka amni darro ee Xisbigaasi uu ka samaynaayo gudaha caasimadda Hargeysa.
Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxaa uu cod dheer ku muujiyey in Xisbiga WADDANI yahay xisbiga kaliya ee shacabkiisa ugu baaqaya in ay ku soo raacaan barnaamij siyaasaddeedkiisa halka dhiggiisa KULMIYE uu door biday in dadka la weeraro oo falal amni darro ah laga sameeyo magaalada Hargeysa.
Dr.Cirro, waxa uu sida oo kale uu si aada uga hadlay mas’uuliyiin ka tirsan Xisbigaasi oo jidh dil loogu geystay magaalada Hargeysa, taas oon illaa hada la aqoonsanin cidda geysatay sida oo kale na weerarka ku soo qaadya mas’uuliyiintaas.

Comments are closed