|

Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Wakiilada Somaliland Oo Shaaciyey In Uu U Tartami Doono Gudoomiyaha Golahaas Cirro Dabadii DAAWO

Hargaysa 23. December 2016 (SDN/QJ):- Xildhibaan Saleeban Cali Koore oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland ayaa waxaa uu shaaciyey in uu u tartami doono kursiga gudoomiyaha golahaasi marka uu Cabdiraxmaan Ciro is casilo .
Xildhibaankan ayaa waxaa uu sheegay in uu yahay qofkii ku haboona in uu kursigaasi ku fadhiisto maadama oo uu ka soo deeganada bariga gobalka Sool .
“Xaq waan u leeyahay in aan hankaas siyaasadeed yeesho waxaana aan is leeyahay maanta cid kaa mudan iyo qof kaa mudan oo deegankaas ahi ma jiro , marka loo eego awood qeybsiga dalkana waa meelaha ugu mihiimsan ee la rabo in ay ka dhex muuqdan xilalka Somaliland ” ayuu ydihi xildhibaan Saleeban Cali koore
Sidoo kale waxaa uu xildhibaanku uu sheegay in deegandaas uu ka soo jeedo ay maanta leyihiin cod wax ku ool ah oo xisbigii ay tageeran cudud ku biirin kara
“Maanta waan hubeysanahay waan ku hubeysanahay cod deeganka aan ka soo jeedo 60.000 (Lixdan Kun Oo Cod ) ayuu leeyahay markaas hadelkeygu waa uu ka miisan culus yahay sidii hore” ayuu yidhi xildhibaanku

Comments are closed