|

Madax-Dhaqameed Reer Awdal Ah Oo Kalsoonidii Kala Laabtay Suldaan Dhawal Kuna Sheegay Siyaasi Leexday

Boorama 23. December 2016 (SDN/QJ):- Wararka ka imanaya degmada Boorama ee xarunta gobolka Awdal ayaa sheegaya in Madax-dhaqameedka iyo odayaasha beesha Makaahiil (Samaroon) kana tirsanaa gudida guud ee madax-dhaqameedka beesha Samaroon ay kulan deg-deg ah oo ay shalay iskugu yimaadeen waxay shaaca ka qaadeen in ay kalsoonidii kala noqdeen Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal oo ahaa gudoomiyihii madax-dhaqameedka gobolka Awdal.

Waxanaa ay madax-dhaqameedkani sheegeen in sababta ay kalsoonida ugala noqdeen suldaan Dhawal ay tahay kadib markii uu ku dhex milmay saaxadda Siyaasadda,sidoo kalena uu ka leexdey shaqadii loo igmaday,waxaana ay madax-dhaqameedkani shaaca ka qaadeen in aanu Suldaan Dhawal matalin kuna hadli Karin afka madax-dhaqameedka beelaha Samaroon.

Sidoo kale odoyaashan ayaa shaaciyey in ay sameeyeen guddida beelaha Makaahiil oo ka kooban 43 xubnood,oo ay ku mideeysan yihiin beelaha Makaahiil,kuwaasi oo leh guddoomiye,guddoomiye ku-xigeen iyo xoghayeyaalba leh.

Gebo-gebadii madax-dhameedkana ayaa si isku mid ah iskugu raacey in ay kalsoonidii kala noqdeen Suldaan Dhawal oo ku milmey siyaasadda,kuna biirey xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE.

Comments are closed