Suldaan Si Adag Uga Hadlay Weerar Loo Gaystay Garyaqaan Barkhad, Ganacsade Ina-Awsiciidna Ku Goodiyay Inuu Ku Celin Doono Halkii Uu Shaqada Ka Bilaabay
Hargaysa 23. December 2016 (SDN/QJ):- Suldaan Maxamed Muuse Cune oo ka mid ah Salaadiinta reer Somaliland ee ku dhaqan Gobolka Togdheer ayaa ka hadlay weerarkii loo gaystay Xoghayaha Cadaalada Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Barkhad Jaamac Batuun oo dhabar loogu gaystay Magaaladda Hargeysa,Waxaanu ku goodiyay Suldaanku in loo soo aargooyn doono Barkhad,Waxa kale oo uu Suldaanku weerar dhinaca afka ah ku qaaday Mulkiilaha Shirkada INTENETKA ee SOMCABLE Ganacsade Maxamed Awsiciid Geedi,oo uu ku eedeeyay inuu hantida uu haysto kula dagaalamayo Xisbiga WADDANI,Waxaanu isna ugu hanjabay inuu ku celin doono wuxuu ugu yeedhay Dirawalnimadiisii,waxa kale oo uu ugu baaqay Masuuliyiinta Xisbiyada Mucaaridka ah inay ka fiirsadaan Isticmaalka Adeegga uu Ina-Awsiciid dalka keeno.
Ugu Horayn Suldaan Cune oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu yidhi“Halkan waxaan kaga hadli doonaa Arintii foosha xumayd ee loo gaystay Xoghayaha Cadaalada ee Xisbiga WADDANI,Barkhad Jaamac Batuun,ee Habeen hore loogu gaystay Magaaladda Hargeysa,Falkaasi oo ahaa mid abaabulan oo si isku xidhan loo soo qaaday,waa arin soo noq noqotay,waa arin ay calancas ka dambaysay oo hore dalkan looga xoreeyay,Arintaasi waa laga jawaabi doonaa,Waxaana ka jawaabi doona cidii ay khusayso,Waxaan idiin sheegayaa inaad arki doontaa rag waa weyn oo magac leh oo guryahooda ku carraabi kari waaya Magaaladda Hargeysa,Arintaasi waanu idiin balan qaadaynaa inaad arki doontaa,ku talo gala sidaasi,Barkhadna waa laga jawaabayaa arintiisa,Arintaasi wax ka gayso mooyee Wax ka dheh malehba Ma leh”. Ayuu yidhi Suldaan Cune.
Waxa uu u hanjabay Ganacsade Ina-Awsiciid,Waxaana uu yidhi“Ina Awsiciid Ninka Layidhaahdo,ee Ganacsadaha aynu ku ogayn maanta waxa uu samaynayaa Waa wax aan loo dul qaadan Karin,Waa ninka meel walba la taagan Talayeey,Tolaayeey,Aad ayaan u maqlayaa,Masuul kasta oo beeshiisa ka tirsan waxa uu ku leeyahay intaasi oo lacag ah qaado oo Ka soo baxay xisbigaasi,Baayacmushtar ayaan ku ogaa,Ninka Baayacmustarka ahi haddii uu siyaasad galo Faro Madhnaa ayuu ku dambeeyaa,Isagoo kacay ayaad arki doontaa oo Masalafay,oo aan waxba haynin oo faraha iskula hadlaaya,Waxaan ubalan qaadayaa In-Aqwsiciid hadii uu ka bixi waayo waxa uu ku jiro inuu Dirawalkiisii ku noqdo,Dhawr jeer ayaan u digay,Waxaanan u sheegayaa Xisbiyada Mucaaridka ah Dhamaanteed Badeecada Ina Awsiciid iyo Wixii uu keeno haloo fiirsado,Dambina hala saaro“.
Waxa kale oo uu yidhi“Waxaan leeyahay,Waadigan Tolaayeey Leh Ina-Awsiciidaw,Gabaygii Cabdi Iidaan Maxaa ku jiri jiray Awal, “Nin Aabihii Wuxuu u dhalay la arki doonee,Axmed Dhoole Dahablaw Waxbaan kula aqaanaa”,Ina-Awsiciid-Aw waxbaan kula ogahay anigu,Ma nihin dad imika dhashay,Waxaanu kugu celin doonaa haddii Alle nafta inoo daayo Qarbadle haagii,Waad jabi doontaa,Waa lagaa guulaysan doonaa,Qaar ku duleeyana Ilaahay wuu nooga kaasoo reebay”. Ayuu hadalkiisa ku soo koobay suldaan Cune oo ka mid ah salaadiinta Gobolka Togdheer.