Murashax C.raxmaan Cirro oo Hay’adaha Amaanka ka Dalbaday inay Gacanta ku Soo Dhigaan Cidii ka danbaysay Falkii lagu Dhaawacay Xoghayaha Caddaalada Waddani
Hargaysa 22. December 2016 (SDN/QJ):–Murashaxa xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa hay’adaha ammaanka ka dalbaday in sharciga la horkeeno cidda ka dambaysay falkii lagu weeraray xoghaya cadaaladda ee xisbigaas Barkhad Jaamac Batuun oo habeen dhawayd suuqa Hargeysa badhtamihiisa lagu weeraray.
Cirro oo shalay warbaahinta la hadlay wuxuu yidhi “Xoghayaha cadaaladda Xisbiga WADDANI, wejigiisa waad wada aragteen oo nabaro ayaa ka muuqda, nabaraddaas na waxa uu ku muteystay in uu hadlay oo uu fikirkiisa hadlay oo mawqifkii Xisbiga uu caddeeyey ayuu nabaraddaas ku muteystay, sida la sheegayeyna inamaddii nabaraddaas u geystayna, waxa ay lahaayeen maxaa lagaa siiyaa Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumaddiisa. Waxa aanu dooneynaa in ciidamada Booliska iyo mas’uuliyiinta arrimaha nabad-gelyadu ba in ay arrintaas si buuxda ay u baadhaan oo baadhis rasmi ah laga sameeyo.”.
Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “Waxa aynu maalin dhaweyd ogeyn in warar been ah lagu xidhay saraakiil ka tirsan Xisbiga WADDANI, laakiin dadka Xisbiga WADDANI dhibta u geysta iyaga cidi ma soo qabato, markaa waxa aanu ka codsanaynaa Xukuumadda, gaar ahaan taliyaha ciidanka Booliska iyo taliyaha C.I.D ba in ay arrintaas warbixin naga siiyaan sida oo kale na ay shacabkana ka siiyaan, arrimahaasi haddii ay sii socdaan waxa ay keeni karaan amni xumo, dadka dulqaadkoodu in buu dulqaadan karaa, markaa anaga oon arrintaas ku dag-degaynin waxa aanu codsanaynaa in si buuxda loo baadho oo warbixin na laga siiyo oo la daba-galo, sida oo kale na sharciga la horkeeno ciddii fal dambiyeedkaas geysatay, arrintaasi na in ay soo noqoto waanu ka digaynaa.”.
Ugu dambayn wuxuu yidhi “Waxa kale oon jeclahay in aan xuso dad badan oo aanu u aragno in aan xadhigooda loo marin sifo sharci ah oo uu ka mid yahay Mujaahid Curi iyo mujaahidiinta kale ba in xoriyaddooda loo soo celiyo. Waxa kale oo aad isna ka warqabtaan in Ugaas ka soo jeedo War-Cimraan in intaas oo jeer Maxkamadda la horkeenay oo sida la sheegay ay xoriyaddiisii u soo celisay, cid haysata waa la garan la’ yahay illaa hada, markaa cidda haysataa horta ha isa soo caddeyso, awood Maxkamadda ka saraysaana ma jirto, awood sharciga ka saraysaa ma jirto e’ Ugaaska na xoriyaddiisii ha loo soo celiyo.”.