|

“Xukuumaddani Go’doon Ayay Ina Gelisay, Aqoonsi Raadintana Waxa Kaga Wanaagsanaa Rayaale” Xildhibaan Xuseen Ismaaciil

Hargaysa 21. December 2016 (SDN/QJ):- Xildhibaan Xuseen Ismaaciil Yuusuf, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, kana tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa sheegay inay Xukuumaddu aanay wax dan ah ka lahayn Shacabka reer Somaliland, isla markaana aanay raali ka ahayn in loo gurmado dadka ay abaaruhu hayaan.

Xildhibaan Xuseen Ismaaciil Yuusuf, ayaa isagoo Wargeyska Geeska Afrika wareysi gaar ah siiyey sidoo kale is barbar dhig ku sameeyey Siyaasada Arrimaha Dibadda ee Xukuumaddan Axmed Siillaanyo iyo Xukuumaddihii hore ee Daahir Rayaale, waxaanu sheegay inay si kastaba ay uga fiicnayd Xukuumaddihii Daahir Rayaale, waxaanu yidhi “Waxaad mooda in aanay Xukuumaddani wax dan ah oo ay ka leedahay Shacabka aanay jirin, waxaana is weydiinayey laba arimood oo kala ah malaa Xukuumaddu ma oga abaarta dadka haysta, ilayn waatan iskaga jirta ololaha, iyo xafladaha ay ku baxayaan malaayiinka dolar, iyadoo ay dadkeedii u baahan yihiin biyo iyo cunto waxay siistaan, waxa kale oo aan is weydiiyay malaa wey badheedhaysa oo wey u badheedhay in aanay waxba siinin dadka ay abaaruhu hayaan, oo waxaynu arkaynay in Madaxda Xisbiga Waddani oo Hay’addihii iyo Wadamadii Caalamka la shirayeen kalana shireen sidii gurmad deg deg ah loo soo gaadhsiin lahaa dadka reer Somaliland ee abaaruhu hayaan, inay Xukuumaddani aad uga xumaatay oo ka biyo diiday kulamadaas oo Xisbiga Waddani doonayo in dadkiisa wax loogu qabto, waxay ka yidhaahdeena weynu arkaynay, markaas waxa cad in Xukuumaddani wax dan ah oo ay ka leedahay Shacabka reer Somaliland in aanay jirin, oo xaflado iyo olole ay ku mashquulsan tahay”.
Xildhibaan Xuseen Ismaaciil Yuusuf mar uu is barbar dhigay Xukuumaddan iyo Xukuumaddihii hore ee Daahir Rayaale ayaa yidhi “Xukuumaddani godoon ayey Caalamkii inaga galisay oo Ictiraaf raadintii Somaliland waxa inoogu dambaysay Xukuumaddii hore ee uu Madaxweynaha ka ahaa Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, oo waxaynu ogeyn heerka uu Caalamka inaga taagna, waxaynu ogeyn in Wadamo badan iyo Xildhibaano badani ay u doodi jireen Aqoonsiga Somaliland, waxaynu ogeyn in Wadamo badan oo Afrika ahi inay Basaboorkeena ogolaayeen, balse maanta waxaas oo dhami meesha wey ka baxeen, Ictiraafna hadalkiisaba da’aa, Xukuumad aan waxba ka garanaynin Diblamaasiyada, oo aan garaynin inuu Guddoomiyihii Barlamaanku awood u leeyahay inuu la kulmi karo, shirarna la yeelan karo Hay’addaha, Wadamada iyo Safaaradaha, waxaan odhan karaa waa Xukuumad ku fashilan tahay Siyaasadii Arrimaha Dibadda, waxa kale oo dhab ah inay Xukuumaddani tahay Xukuumaddan lafteedu aanay kala dambayn lahayn madaama aanay wixii khalad ah iska qabanaynin, oo aanay isa saxayn, halka Xukuumaddihii ka horeeyey aanay marnaba wixii khalad ah isku raaci jirin, ee ay iska sixi jireen”.

Comments are closed