|

Guddoomiyahii Gudida Beelaha Waqooyiga iyo Galbeedka Magaalada Burco oo Ciidamada RRU Gurigiisa kala baxeen & Xogta Xadhigiisa

Burco 21. December 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiyahii dhawaan loo doortay guddoomiyaha beelaha Habar-yoonis iyo Ciise Muuse Odey Cabdirisaaq Jaamac Cawl, ayay Ciidamada RRU waxay kala baxeen Gurigiisa oo ku Yaala Magaalada Burco.

Illaa hada ma jiraan warar amuurtan la xidhiidha oo ku saabsan sababta ciidamadu ay gurigiisa ugu soo daateen odey dhaqameedkan, balse waxa jirtay in uu ka gows adeygay ka qeyb-qaadashada soo dhaweyn magaalada Burco shalay looggu sameynaayey Murashaxii hore ee laga soo caydhiyey Xisbiga UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, waxaana uu ay wararku iftiiminayaan loo taxaabay saldhigga dhaxe ee magaalada Burco.
Waxa kale oo ay wararku sheegayaan in odey dhaqameedkan ay si toos ah u soo xidheen badhasaabka gobalka Togdheer iyo xoghayaha dawladda hoose ee magaalada Burco oo labaddooda ba ay isku hayb yihiin.
Guddoomiyaha guddida beelaha Galbeedka & Waqooyiga Burco (Habar-yoonis iyo Ciise Muuse) Odey Cabdirisaaq Jaamac Cawl, ayaa lagu doortay shirkiid dhawaan ay beelahaasi ku qabsadeen magaalada Burco.

Comments are closed