Guddiga Doorashada Dadban ee Somalia oo Kulan Xasaasi ah la Yeeshay Odayaasha Muqdisho Ku Sugan ee Beelaha Somaliland & Dulucda Qodobo la isku Afgartay
Muqdisho 21. December 2016 (SDN/QJ):- Guddiga heer Federaal ee hirgelinta Doorashooyinka dadban ayaa kula kulmay Muqdishu Odayaasha Beelaha Somaliland, oo ay kala hadleen xallinta khilaafka hareeyay soo xulista Xildhibaanada.
Guddiga, ayaa sheegay in ujeedka Kulankaasi uu ahaa sidii Odoyaasha ugala shaqeyn lahaayeen xal ka gaaris lagu sameeyo arrimaha muranku ka jiro.
Wararka Warbaahintu ka heshay Kulankaas, ayaa sheegaya in labada dhinac isku afgarteen, in la xaliyo khilaafka, sidoo kalena la fududeeyo howlaha Doorashada si loo dhamaytiro xubnaha ka harsan 46-da xubnood ee Somaliland laga siiyay Aqalka hoose.
Illaa hadda, 25 kamid ah Xubanaha Aqalka hoose ayaa lagu doortay Muqdishu, iyadoo uu jiro is-qab-qabsi iyo eedaymo la xiriira musuq-maasuq dhinaca ergada la xiriirta, oo kuraasta qaar u codeeyeen dad aan u dhalan beelaha Somaliland.
Odayaasha Beelaha Waqooyi ayaa horey usoo saarey War Saxaafeed ay uga cabanayaan Musuqu-maasuq iyo boob lagu samaynayo Kuraastooda, waxaana ay dalbadeen in Goobta Doorashada loo wareejiyo Xarunta AMISOM ee Xalane.
Doorashada ayaa wali kasoo socoto Xarunta Gaadiidka Booliska ee Degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir, waxaana 15 kamid ah Xildhibaanada la doortay kamid ahaayeen mudanayaashii hore ee Waqtigoodu dhammaaday.
Inta badan kuwa kusoo baxay Doorashada Aqalka hoose ee Somaliland waa Xildhibaano taageero wayn ka helaysta Villa Somalia.