|

Go’aan cusub oo laga soo saaray 11-kii xildhibaan ee guddiga xalinta khilaafaadku Doorashada Somalia uu Laalay 

Muqdisho 21. December 2016 (SDN/QJ):- Madasha wada tashiga Qaran oo ay xubno ka yihiin madaxda dowlada Somalia iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa maalmahan ku lahaa magaalada Muqdisho kulamo ku saabsan arrimaha doorashooyinka.

Hogaamiyeyaasha madasha ayaa sida warar lagu kalasoon yahay sheegayaan diiday go’aankii Guddiga xalinta khilaafaadka ku laaleen 11-kursi oo ka mid ahaa aqalka Hoose ee dhowaan lagu soo doortay shanta xarun maamul goboleed.

Guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka ayaa sheegay 11-kaas kursi lagu celinayo doorashooyinkooda ka dib markii ay ku cadaatay iney si ka baxsan habraacii loo dejiyey doorashada ku soo baxeen.

Hase ahaatee warar laga helayo shirka madasha ayaa sheegaya in hogaamiyeyaasha maamul goboleedyada dalka ay ku gacan seyreen, iyagoo sheegaya ineysan jirin wax doorasho ah oo lagu celinayo.

Guddiyada doorashooyinka iyo xalinta khilaafaadka ayaa waxaa horey u sameeyey madasha wada tashiga, waxaana dad badan ay la yaaban yihiin in hogaamiyeyaasha madashu ay diidaan go’aanada ay soo saareen isla guddiyadii ay iyagu soo saareen sabab la’aan.

Madasha wada tashiga ayaa sidoo kale isku hayey qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Aqalka sare ee Somaliland, gaar ahaan labada kursi ee ka imaanaya Gobolada Sool iyo Sanaag oo Puntland ay dooneyso in xageeda la mariyo, waxaana jira warar aan la xaqiijin oo sheegaya in labadaas kursi midkood lagu heshiiyey in la siiyo Puntland.

Waxaa sidoo kale laga hadlay shuruudaha doorashada Madaxweynaha, iyadoo la soo jeediyey in musharax kasta uu la yimaado 20 xildhibaan oo taageersan iyo inuu bixiyo Soddon kun oo Dollar, sidoo kale waxaan weli go’aan laga gaarin xiliga la qabanayo doorashada Madaxweynaha oo horey loo shaaciyey in 28-ka bishan la qabto balse dib u dhac uu ku yimid.

Comments are closed