Garsoorayaal Ka Socday Maxkamadda Sare Oo Ka Warbixiyey Tirada Dacwado Ay Ku Qaadeen Burco Oo Safar Ku Joogeen
Burco 20. December 2016 (SDN/QJ):- illaa Lix Garsoore oo ka tirsan Maxkamada Sare ee Somaliland ayaa bishan aan ku jirno hawlo shaqo u Joogay Gobolka Togdheer,waxaanay Warbixin ay siiyeen Warbaahinta Gobolka Togdheer kaga hadleen Ujeedada safarka ay Gobolkaasi ku joogaan,waxa ay shaaca ka qaadeeni inay gabi ahaanba gacanta soo mariyeen Wixii dacwado u yaalay Gobolkaasi,marka laga reebo dacwado ay dadkoodii waayeen oo abaaruhu rareen,Waxaana ay sheegeen inay ku soo jihaysan yihiin Gobolk Saaxil islamarkaana ay dacwado ka galayaan.
Garsoore Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan Oo Hogaaminayay Garsoorayaashaasi oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu yidhi“12-kii Bishan Laba iyo tobnaad ayaan soo galnay Gobolkan Togdheer,Waxaanu ka koonahay Lix Garsoore oo aanu ugu talo galnay inaanu qaadno dacwadihii ka baaqiga ahaa sanadadii hore iyo kuwii sanadkan sii galbanaya ee 2016-ka,Dacwadahaasi waxay ka koobnaayeen Laba iyo kontan Dacwadood,markaa halkaasi waxaad ka garanaysaa dardarta Maxkamaduhu ay sameeyeen oo aad u heer saraysay,27 Dawadood markiiba way dhamaadeen,Saddexna waa la soo eegay,Sodon dacwadood ayaa halkaasi ku gabo gaboobay”
Waxa kale oo uu yidhi“Toban dacwadood dadkii lahaa waa lawaayay,dadkii waxay noqdeen dad hayaamay oo abaaraha gobolkan ka jiraa ay saameeyeen oo u kacay meelo fog fog,oo qaar ayaaba ka soo hadlay Gobolka Nugaal,oo Puntland u talaabay,Markaa duraafahaasi awgood ayaanu Tobankaas dacwadood dib ugu dhignay,Laba iyo Tobanka Dacwadood ee soo hadhayna Gobolka Saaxil ayaanu ku qaadaynaa,Waxa naga sii horeeya Garsoorayaal hor dhac noosii ah oo sii jooga Gobolkaasi kuwaasi oo sii maraya Tuulooyin badan oo ka tirsan Gobolka Togdheer oo dhinaca Galbeedka ah,Guud ahaan waxaa hirgalay Dacwadihii aanu soo dhagaysanay,Marka laga tago tobankaasi dacwadood ee dadkii ay ka dhaxaysay ay ka hayaameen,Laba iyo afartankii kale” .ayuu hadalkiisa ku soo koobay Garsoore hayaan
Gudoomiyaha Maxkamada Racfaanka ee Gobolka Togdheer oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu soo dhaweeyay dadaalka ay wado maxkamada sare iyo kormeerka dardargallinta shaqo ee ay had iyo goor ku soo marayaan waxaana uu yidhi “had iyo goor waanu ku faraxnaa in garsoorayaasha Maxkamada sare noo yimaadaan,waanu jeclaysaan waayo waxaanu ka qaadnaa firfircooni,karti cusub”.