TOGDHEER: Abaarta Oo Mareysa Meel Halis Ah Iyo Magaalooyinka Oo Laga Raafayo Gaadiid Lagu Daad-gureeyo Biyo & Raashinka Gurmadka
Burco 20. December 2016 (SDN/QJ):- Xaaladda Abaareed ee ka taagan Gobollada bariga Somaliland, ayaa gaadhay meel halis ah.
Abaartan oo saameysay Dadkii iyo Duunyadii ku dhaqnaa Gobollada Togdheer, Sanaag, Sool iyo Saaxil, ayaa deegaannada ugu daran xilligan waxa ka mid ah Gobolka Togdheer sida uu sheegay Badhasaabka Gobolka Togdheer Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) oo Shalay hadal ka jeediyey kulan uu la yeeshay Waxgaradka iyo Madax-dhaqameedka Gobolka oo ay ka wada hadleen Gurmadka loo baahan yahay in lagu badbaadiyo Dadka Abaareysan ee ku dhaqan Gobolkaasi iyo Gobollada kale.
Badhasaabka Togdheer, ayaa sheegay in Xaaladda Abaartu gaadhay meel adag, sidaa darteed loo baahan yahay Dadweynaha Gobolku aanay Cidna waxba ka sugin ee ay iyagu isku tashadaan, maaddaama oo aan Dadka Abaartu haysaa aanay sugi karin Guddiyada Abaaraha ee Heer Qaran iyo Heer Gobol.
“Abaartii meel xun bay ka mareysaa Gobolka, wax Alaale iyo wax inoo soo kordhayna ma jiraan inaynu isku tashanno mooyaane. Hargeysa ayaan tagay oo waxaan sidaa laba Mishiin, markaa waa inaynu ku dedaallo sidii Labadaa Ceel u shaqeyn lahaayeen oo aynu Dadka biyo ula gaadhi lahayn iyo sidii Dadkaasi Raashin u heli lahaa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Guddidii Abaaraha waanu la soo hadalnay, Guddidii Abaaraha ee Gobolkuna Hargeysa ayay joogaan, waxayna doonayaan inay Guddida Abaaraha ee Heer Qaran u sheegaan halka arrintu mareyso, hasa-yeeshee wax inna sugaya maaha Abaartu, markaa Reer Burco inaynu isku tashanno ayaa wanaagsan ee aynaan meel kale waxba ka sugin.”
Badhasaabku wuxuu sheegay in aanay Hadda ka dib kireysan doonin Gaadiidka Dadweynaha ee Biyaha iyo Raashinka loogu qaadayo Dadka Abaartu hayso, laakiin ay Magaalooyinka ka raafi doonaan, “Baabuur dambe oo aanu kireysanaynaa ma jirto, ee waxaanu doonaynaa inaanu Raafno, Booyado dambe oo aanu kireysanaynaa ma jiraan, waxay noqonaysaa in loo gurmado sidii Abaartaa wax looga qaban lahaa.”ayuu yidhi.