|

Doorasho Yaab leh oo Shalay ka dhacday Muqdisho iyo Walaalo Somaliland ka soo Jeeda oo hal kursi ku tartamay,Sidoo Kale akhri Magacyda Iyo Beelaha ay ka soo Jeedaan Xildhibaano la doortay

Muqdisho 20. December 2016 (SDN/QJ):- Waxaa magaalada Muqdisho dib uga bilaabatay Doorashada xubnaha Aqalka hoose ku matalaya beelaha dega gobolada Waqooyi ee Soomaaliya, waxaana la doortay Lix Xildhibaan oo isugu jira rag iyo dumar.

 

Doorashadii ugu yaabka badneed ee ka dhacday magaalada Muqdisho Shalay ayaa aheed mid u dhaxeysay Labo Musharax oo wada dhashay, kuwaas oo ku tartamayay kursiga Aqalka hoose ee Beesha ay kasoo jeedaan.

 

Kursiga Ciise Dalool- Walaaldoon ayaa waxaa ku tartamay Labo musharax oo walaalo ah kuwaa oo lagu kala magacaabo C/raxmaan Axmed Suge iyo Maxamed Axmed Suge, waxaan kursigan ugu dambeyn ku guuleestay C/raxmaan Axmed Suge.

Guddiga dooradhooyinka ayaa sheegay in Kursiga Beesha Ciise Dalool -Walaaldoon uu ku guuleestay C/raxmaan Axmed Suge oo helay codad gaaraya 24 cod halka Walaalkiis uu helay 4-cod kaliya, waxaana halaabay 18-cod.

 

Doorashadan Shalay ka dhacday magaalada Muqdidsho ayaa noqotay tii ugu yaabka badneed intii ay socdeen doorashooyinka Aqalka hoose, waxaana doorashadan ku tartamay labo nin oo Walaalo ah , waxaa sidoo kale halaabay codadkii ugu badnaa intii doorashada ay socotay.

Halkan ka Aqriso Magacyada Xildhibaanada la doortay iyo Qabiiladooda

1-Cusmaan Cilmi Boqore (Ciise Dalol-Haroone)

2-C/raxmaan Axmed Suge (Ciise Dalol -Walaaldoon)

3-Ismaaciil C/Raxmann Sheekh (Habar Jeclo-Maxamed Obokor)

4-Faadumo Ismaaciil Xuseen (Habar Yoonis-Sacad)

5-Suuri Diiriye Carab (Habar Jeclo-Maxamed Obokor)

6-Khadro Maxamed Dukaale (Ciise Dalol-Furlabe)

Comments are closed