Maxaa ka jira in dilkii gabdhaha Soomaalida loogu geystay Canada uu ka dambeeyey Walaalkood?
Ottowa 20. December 2016 (SDN/QJ):- Saraakiisha Booliska dalka Canada ayaa shaaciyey iney gacanta ku dhigeen Muscab C/raxmaan oo ay ku eedeeyeen inuu ka dambeeyay dilka gabdho walaalihiis ah oo ka dhacay gurigooda uu ku yaalla Magaalada Ottowa.
Booliska ayaa sheegay in Muscab uu is adkeeyay markii ay ka qabanayeen meel u dhow gurigooda oo uu dilka ka geystay, waxayna intaa ku dareen inuu dhaawac yar soo gaaray lana dhigay isbitaalka.
Muscab ayaa Axadii diiday inuu tago Maxkamadda, waxaana isaga oo ka maqan ay Maxkamadda ku xukuntay xeerarka 1aad iyo 2aad ee dilka, kuwaasoo ay ka mid yihiin in Muscab lagu sameeyo baaritaan dhanka Maskaxda ah, iyadoo ay wararku sheegayaan in Muscab uu la’yahay dhimirka.
Asma C/raxmaan oo 29 jir aheyd & Nasiibo C/raxmaan oo 32 jir aheyd ayaa Meydadkooda laga helay gurigooda oo ku yaalla jidka McCarthy habeenkii Jimcaha, waxaana dilkooda loo adeegsaday Toorey.
Soomaalida ku nool magaalada Ottowa ee dalka Canada ayaa ka argagaxay dilkan wiilkan Soomaaliga ah uu kula kacay gabdhaha la dhashay.