|

Gabadh Ninkeedii Hore Gubay Oo Gashay 52 Qaliin !

Hargaysa 20. December 2016 (SDN/QJ):- Maxkamadda Gobolka Ohio ee dalka Maraykanka ayaa ku xukuntay Nin Gubay gabadh uu qabi jiray, Ninkan oo magaciisa la yidhaahdo Michael Slaje oo da’diisu tahay 41jir, ayey maxkamadu ku xukuntay 11sano oo xadhig ah.

 

Gabadha uu dilay Ninkani iyadu muddo 16 bilood ah ku jirtay mid ka mid ah Dhakhaatiirta Dalka Maraykanka, kuwaasoo sheegey inay gashay 52 qaliin, haatana ay u diyaar garoobayso qaliinkii 53aad oo dhakhaatiirta gacanta ku haysaa sheegeen inay adag tahay sida uga badbaadaa.

Gabadhan la gubay oo magaceeda la yidhaahdo Malinowski da’deeduna tahay 33jir ayaa Wargeyska Himilo tarjumay warbixin ay siisay telefishanka WSYX, oo ku booqday Dhakhtarka ay ku jirto kadib markii ay awoodi kari weyday inay maxkamadda kasoo xaadirto waxaanay tidhi “Waxaan xilligaasi ku sugnayn meel kaalin shidaal ah agteeda, waxaanan isku maan-dhaafnay arrin naga dhaxaysay, waxaanu isla markiiba ii soo qaatay Petrol oo uu igu rusheeyay, kadibna waxa uu igu qabtay Dab”.

Malinowski oo hadalkeedii sii wadata ayaa waxay tidhi “Uma mallaynayo in Dadku ay sidaa u dhib badan yihiin waayo?, markii uu dabka I qabadsiiyay wuu sii taagnaa oo waxa uu daawanayay anigoo gubanaya”.

Falkan oo ahaa mid uu geystay Michael Slaje sanadkii 2015kii ayaa waxa haatan maxkamadda gobolka Ohio ay kusoo xukuntay danbiilahaasi xadhig muddo 11sano ah.

Comments are closed