Mid Ka Mid ah Boqorkii Masraxa Suugaanta Soomaalida & Majaajilayste Caanbaxay Boon Xirsi oo Hargaysa Loogu Xabaalay Si Qaran & Dib u Mayra-cashada Xusuustiisii DAAWO
Hargaysa 19. December 2016 (SDN/QJ):- Noolaba Waa Dhinte Wuxuu ahaa Shakhsi buuxin Jiray Meelo badan oo Fanka Somalidu u Qaybsan yahay haday Tahay Abwaan Wuxuu ahaa Suugaan Curiye,Sidoo kale Wuxuu ka mid ahaa Xubnaha Fara Ku Tiriska ah ee Qiimaha u Yeela Masraxa iyo Jilista hadba Wuxuu ka hadlayo ama Soo Gudbinayo Waa alle Naxariistiisii Janno ha ugu Deeqee Xuseen Cabdi Xirsi oo Ku Meel Maray Naanaysta Caan baxday ee Qarisay Magacii Aabihii iyo Kii Awowgii Waa Marxuun Boon Xirsi Bawdyo Gaab oo Shalay lagu aasay Magaalada hargaysa Kadib Markii uu Xaqu u Yimid Habeen Hore.