Xaaladda Abaareed Ee Gobollada Bariga Oo Sii Adkaanaysa Iyo Gaadiidka Oo Si Maalin Leh Xoolaha Ugu Soo Daad-gureeya Galbeedka Dalka
Hargaysa, 19 December 2016 (SDN/QJ): – Xaaladda Abaareed ka jirta Gobollada bariga Somaliland, ayaa sii adkaanaysa Maalinba Maalinta ka dambaysa.
Abaartan oo soo taxnayd Saddexdii bilood ee u dambeeyay isla-markaana saamaysay Dadkii iyo Xoolihii ku dhaqnaa Gobollada Sanaag, Sool, Togdheer iyo Saaxil ee bariga Somaliland, ayaa sababtay in Qoys kasta oo reer Guuraaya ay dhammaadaan Xoolihii ay dhaqanayeen, halka Qysaska neefafka Adhiga iyo Lo’da ahi u soo hadheen ay ula soo baro-kaceen Gobollada Galbeedka Dalka, gaar ahaan AWDAL iyo Gabiley.
Dadkii Gobollada bariga ee Abaartu Xoolaha ka leysay, ayaa intoodii badnayd waxay iskugu urureen Tuulada Coodanle ee Gobola Buuhoodle oo Xukuumaddu ka qodday Ceel-biyood Riig ah, halka intoodii kalena galeen Magaalooyinka waaweyn ee Dalka, si ay nolol ugu raadiyaan Carruurta yaryar.
Dadka yari u soo hadheen oo rejo ka qabay in Alle Raxmaadkiisa u shubo, ayaa Xaaladdu u soo adkaatay markii Roobku ka di’I waayey deegaannada bariga Somaliland, taasina waxay keentay ku qasabtay inay ula soo hayaamaan Gobollada Galbeedka, si ay u badbaadiyaan Xoolaha inta Abaarta uga hadhay.
Wallow, Gaadiidka Xoolaha Abaareysan ka soo daad-gureeya bariga lagu kireysto Lacag badan oo u dhexeysa 300 Doollar illaa 500, haddana waxa Bishii u dambaysay si is-daba joog ah loo soo daad-gureynayey Xoolaha Abaareysan, si loo gaadhsiiyo Gobollada Awdal iyo Gabiley oo Xooluhu ka helaan Baad iyo biyo ku filan.
Laga bilaabo 1:da Habeennimo illaa Waaga-berigiisa waxa jidka labaad ee Caasimadda Hargeysa mara tobannaan Gaadhi oo sida Xoolo iskugu jira Adhi iyo Lo’ laga soo daad-gureeyay bariga Dalka laguna wado galbeedka Dalka, taasi oo muujinaysa Xaaladda Abaareed ee ka taagan Gobollada Saaxil, Sanaag, Togdheer iyo Sool, laakiin waxa marmarka qaarkood dhacda in Gaadiidka soo qaada Xooluhu ay qalibmaan isla-markaana ay ku bakhtiyaan Xooluhu, halka mararka qaarkoodna Xooluhu ku dhintaan inta uu Jidka kula soo jiro Gaadiidku, sida ku dhacday Doraad Gaadhi siday illaa 300 oo Adhi ah oo uu ka soo qaaday deegaanka Cadow-yuurara ee Gobolka Togdheer, kaasi oo intii uu Jidka ku soo jiray ay ku dhex bakhtiyeen illaa 50 Neef oo Adhi ahi.
Gaadhiga Kontonka Neef ku dhex bakhtiyeen intuu jidka ku soo jiray oo ku jabay Badhtamaha Hargeysa, ayaa waxa la kulmay Saxaafadda, waxayna halkaa ku wareysteen Masuuliyiin ka mid ah Xukuumadda oo Gaadhigaasi u tagay.
Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Duulista Somaliland Axmed Nuur Faahiye oo halkaa ka hadlay, ayaa ku baaqay in Dadka Abaaruhu haystaan loo gurmado.
Khadar Cismaan oo ah Ninka leh Adhigan badhkii ku soo bakh-bakhtiyey Gaadhiga, ayaa isagoo ay dushiisa ka muuqato Diif iyo Daal badan wuxuu saxaafadda u sheegay inuu Xoolahan ula soo hayaamay Galbeedka Dalka, laakiin maaddaama oo halka uu ka soo raray iyo halkuu ku wadaa kala fog yihiin uu ka yimid Carruurtii iyo Hooyadood.