Wasiirka Maaliyadda Oo Deeq Raashin Ah Gaadhsiisay Dad Ka Soo Hayaamay Abaaraha Barriga, Soona Kormeertay Cisbitaalka Wajaale DAAWO
Hargaysa, 19 December 2016 (SDN/QJ): – Wasiirka maaliyadda Somaliland marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa deeq raashin ah gaadhsiisay deegaanka Ilma Daddo oo ka tirsan gobolka Gabiley oo ay ku sugan yihiin in ka badan 1,000 qoys oo kasoo hayaamay abaaraha ka dhacay barriga dalka, kuwaas oo mudooyinkii u danbeeyey ku sugnaa halkaas.
Waftigan wasiirka maaliyadu hoggaaminaysay ee halkaas gaadhay ayaa waxa ka mid ahaa maayirka degmada Gabiley Maxamed-Amiin Cumar Cabdi, Badhasaab ku xigeenka gobolkaas Cali Cabdi Cabdilaahi (Cali-Casse) iyo saraakiil sarsare oo ka tirsan hay’adda Khayriya Islaamiya ee dalka Kuwait iyo hay’adda wakiilka u ah ee Zamzam Foundation.
Wasiir Samsam oo ka hadlay Goobtii ay gaadhsiiyeen Deeqda Raashinka ah, ayaa tidhi, “Ugu horayn Ilaahay baa mahad oo dhan u sugnaatay, marka xiga waxaan u mahadnaqaynaa Hay’adda Khayriya Islaamiya ee dalka Kuwait iyo hay’adda Zamzam Foundation ee wakiilka u ah ee la soo mariyo deeqaha noocan oo kale, waxaanu leenahay Ilaahay ha idinka jazaa’i siiyo. Waxa kale oo aan u mahadnaqayaa maamulka gobolka Gabiley ee ay imika inagala joogaan Maayarkii, Badhasaab ku xigeenkii, xoghayihii iyo xubno ka mid ah guddida abaaruhu, kuwaas oo aan uga mahadnaqayo sida ay iskugu hawleen soo dhawaynta dadkeenan. Waxaan kale oo aan jeclahay inaan iyagana mahadnaq iyo bogaadin halkan uga dirro shacbiga deegaanka gobolka Gabiley oo iyaguna sida aynu ognahay gobonimo badan sameeyey kuwaas oo beerihii u furay dadkan abaartu keentay halkan oo meesha ka saaray lexejecladii lagu yaqaanay beeralayda ee xoolihii ay wataan dadkeenan abaarta kasoo hayaamay u furay albaabada beerahooda, runtii waa habdhaqan wanaagsan oo gobonimo badani ka muuqato”.
Marwo Samsam Cabdi Aadan iyadoo hadalkeeda sii wata, waxay intaasi raacisay “Dadka deegaanka Ilma Daddo loogu qaybinayo deeqdan raashinka ah waa muwaadiniin kasoo hayaamay deegaamo kala duwan oo ay ka mid yihiin Togdheer, Oog, Bali-gubadle iyo Salaxlay, waana dad kasoo hayaamay abaarta xoogan ee ku habsatay deegaanada barriga Somaliland, run ahaantii waa waajib ina wada saaran inaynu dhamaanteen u gurmano dadkeena dhibaataysan, waxaana ka xukuumad ahaan mar walba naga go’an in wax kasta oo suurta gal ah lala qabto dadkeena, waxaanu Madaxwaynaha Somaliland sidaan marmar badan oo hore u sheegay nagu amray in loo gurmado dadkan oo waxkasta oo macquul ah oo awoodu saamaxayso loo qabto, markaa waxaynu Ilaahay ka baryeynaa inuu inoo shubo raxmadiisa taas ayuun baa lagu oon iyo haraadba bixi karaaye, Ilaahay ayeynu ka baryeynaa raxmadiisa”.
Maayarka Gobilay Maxamed-Amiin cumar Cabdi oo isaguna halkaas ka hadlay ayaa tafaasiil ka bixiyey xaaladaha ay ku sugan yihiin dadkaas, isagoo arrimahaasi ka hadlayana,waxa hadaladiiisii ka mid ahaa “Waxaan halkan uga mahadnaqayaa Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Wasiirka Maaliyadda marwo Samsam Cabdi Aadan oo iyagu marwalba u heelan wax u qabashadda dadka abaaruhu haleeleen min barri ilaa galbeed, waxaanan ogayn sidii ay Wasiir Samsam ilaa abaarihii hore ee galbeedka ilaa abaarta imika ka taagan barrig dalka sidii hagar la’aanta ahayd ee ay marwalba xilka iskaga saaraysay inay waxkasta oo suurta-gal ah gaadhsiiso dadkaa, wasiiradda maaliyadddana waxaan leeyahay Ilaahay miisaanka xasanaadka ha kuugu darro oo ha kaa jazaa’i siiyo”
Dhanka kale, Wasiirka maaliyadda marwo Samsam ayaa shalay kormeer ku soo martay cisbitaalka degmada Tog-wajaale oo lagu dawaynayo qaar ka mid ah dadka kasoo hayaamay abaaraha barriga dalka ka dhacay, taas oo sheegtay inay ka xukuumad ahaan diyaar u yihiin in wax loo qabto dadkaas, waxaanay ballan-qaaday inay arrimahaas kala shaqayn doonto madaxda wasaaradda caafimaadka Somaliland.
Waxay halkaas warbixino kaga dhagaysatay Agaasimaha cisbitaalkaasi oo sheegay inay la tacaalayaan dad bukaano ah oo u baahan gargaar caafimaad, waxaanu halkaas uga mahadnaqay Wasiirka maaliyadda marwo Samsam Cabdi Aadan oo uu tilmaamay inay marwalba barbar taagan tahay, waxbadan kala qabatay baahiyaha ka jira dhakhtarkaasi.
Waxa kale oo ay wasiir Samsam Cabdi Aadan soo kormeertay dhisme ay wasaaradda maaliyadu ka dhisanayso magaalada Tog-wajaale, kaas oo gabo-gabo ku dhaw.