|

“Idaacada Radio Hargeysa Iyo Tv-Ga Qaranku Facebook Wasiir Caddaani Leeyahay Maaha, Ee Waa Hanti Qaran” Mujaahid Axmed Maxamuud Cali Shiine DAAWO

Hargaysa, 19 December 2016 (SDN/QJ): – Mujaahid Axmed Maxamuud Cali (Shiine) oo warbaahinta kula hadlayay gudaha magaalada Hargeysa ayaa si adag ula Hadley wasiirka warfaafinta Somaliland Mudane Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Cadaani, oo doraad eedo u jeediyay xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI.

Mujaahid Axmed Shiine isaga oo arimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Wasiir Caddaani waa qurba joog, waxaanad mooda in hadaladiisu ay indhaha iyo dhagaha dadka ay wasakheynayaan, maanan diidin inuu uguulwadeeyo, Muuse Biixi amase Siilaanyo, hase ahaate meeshu waa meel umada ka dhaxeysa, oo umada laga wacyigaliyo mana ,aha meel uu isagu gaar u leeyahay, Idaacada iyo Tv-ga qaranku Faceboogiisi maaha, waa hanta qaran”

Shiine isaga oo hadalkiisa siiwata waxaa uu intaas ku daray “Oohinta Cadaani waxaa ay aheyd markii Hargeysa iyo Burco la garaacayay inuu ooyo, wanay habsaantay oo waxaa ay ku soo beegantay dalkii oo dimuquraadi ah, hadii oohintu cadaani dhab ka tahayna inuu halganka soogalaa ayay aheyd, ee may aheyn inuu noqdo nin iska darbi jiif oo kale ah oo Mareykan ka yimid, dadkuna wey is yaqaanan, meeshay doonaanba ha joogeene, xilkana Allaa haye guulwade nimadu wax sharafa oo ay leedahay ma jirto, hadaad wax u guulwadeyneyso waxaa haboon adiga oo hadalka Ilaahay iyo ka rasuulka u guulwadeeya”

Comments are closed