|

Shirka Madasha Wada Tashiga Somalia Oo Hannaan Cago Jiid ah Uga Socda Muqdisho,Qodobo la Isku Mari La’ Yahay oo Somaliland Saamaynaya & Dood Adag oo Ka Taagan Xildhibaano Doorashadooda la Laalay

Muqdisho, 19 December 2016 (SDN/QJ): – Shirka madaxda Somalida, ayaa maalintii Afarad ka soconaya magaalada Muqdishu caasumadda Somalia, halkaasoo looga hadlayo arrimo xasaasi ah oo ku aadan doorashada ka dhacaysa dalka.

Kulankii shalay, ayaa warbixin faah faahsan looga dhagaystay Guddiga Xallinta Khilaafaadka doorashada Somalia, taasoo ay kaga waramayeen xubnaha ay tir-tireen natiijada doorashadooda.

Guddiga, ayaa iska difaacay in si khalad ah xubnahaasi loogu dhaganyahay, waxayna codsadeen in dhammaan guddiyada doorashadu si hufnaani ku dheehantahay uga wada shaqeeyaan hannaanka geedi socodka doorashada iyo marxaladda adag ee kala guurka ah.

Madaxda Madasha, ayaa ku kala aragti duwan sida laga yeelayo xubnaha muranku ka jiro iyadoo qaybtood soo jeediyeen in la iska daayo maadama hadda aysan badankooda muran ka taagnayn, halka kuwo kale arrintaasi naqdiyeen.

Beesha Caalamka, ayaa iyaduna aad u diidan in la ansixiyo xubno dhawaan lagu doortay degmooyinka Cadaado iyo Jowhar, gaar ahaan Cabdulqaadir Gaafow iyo Wasiir Nuux.

Labada nin midkood [Nuux], waxaa lagu haystaa inuu ka dambeeyay fowdo ka dhacday hoolka doorashada Jowhar, halka Mudane Cabdulqaadir Gaafow oo la dhashay talinayaha Nabad Sugidda uu kusoo baxay doorashada xoog ah oo loo adeegsaday ciidanka dowladda.

Wararka laga helayo ilo wareedyo lagu kalsoonyahay oo ku sugan Villa Somalia, waxay sidoo kale sheegayaan inaan wali xal laga gaarin kuraasta ka imaanaysa gobollada Waqooyi gaar ahaan Sool, Sanaag iyo Cayn.

Waxaa sidoo kale wali la isku af-garan la’yahay waqtiga ay qabsoomayso doorashada madaxtinimo maadama uu muuqdo dib u dhac kale waqtigii horay loo asteeyay.

Shirka hogaamiyaasha Somalida, ayaa goor dambe xalay gaaray, waxaana saaka la filayaa in qodobadaas xal laga gaaro si loo saaro war-murtiyeed ku aadan doorashada waddanka ka dhacaysa.

Inta badan, waxaa hareeyay kulamada madaxda Somalida is-mari waa ku aadan qodobada ay ka doodayaan oo maamul kasta doonayo inuu ka dhex arko dantiisa, waxaana madashani la sheegay inay noqon doonto tii ugu dambaysay.

Dhinaca kale, waxaa magaalada Muqdishu gaab gaabis ah uga socota bixinta kaararka Aqoonsiga iyo diiwaangalinta Mudanayaasha Barlamanka Federaalka Somalia, waxaana dib u dhacay dhaarintooda oo la qorsheeyay inay dhacdo 15 December, 2016.

Amiga Muqdishu, ayaa sidoo kale faraha ka baxay, xilli ay soo dhawaatay doorashada hogaanka sare iyo midda Baarlamaaniga ah, waxaana kooxda Shabaab ka gaysatay weeraro is-xig xigay oo dad badan lagu dilay.

Majirto qorshe cusub oo ay laamaha amniga diyaariyeen iyadoo la filayo inay caasumadda Somalia tagaan murashaxiinta Madaxweynaha Somalia oo hadda si toos ah dalka uga wada loollankooda murashaxnimo.

Comments are closed