|

Shiinaha oo Rajo ka muujiyey  Gaaska dabiiciga ah eek u jira Kililka Shanaad ee Soomaalida Itoobiya

Addis Abbaba, 19 December 2016 (SDN/QJ): – Shirkada Poly Group Corporation ayaa sheegtay in ka dib baadhitaano ay sameeyeen ay ogaadeen in kililka shanaad ee soomalida itoobiya uu Qani ku yahay gaaska dabiixiga ah.

Gudoomiyaha Shirkada Poly Group Yu Baodong oo ku sugan magaalada addis-ababa ayaa mar uu Goor dambe oo Doraad jimcahii ah Raysalwasaare Haila marian ku qaabilay xafiiskiisa waxa uu ku wargeliyey in hawshii sahaminta shidaalka ee ay shirkadoodu ka waday kilinka Shanaad ee Soomaalida itoobiya guulo dhaxalgal ah laga gaadhay, rajo wanaagsanina ka muuqato, isagoo intaa ku daray in hawsha sahaminta ay ku baxday dakhli gaadhaya 3.7-billion USD.

Shirkadda China Poly Group Corporation ee waday baadhitaanada shidaal ayaa sidoo kale Gudaha itoobiya ka haysa hawlo kale oo ay ka mid yihiin sidii hanaanka wershadeed ee Itoobiya loogu gudbin lahaa mid ku shaqeeya tiknoolajiyada casriga ah, halka sidoo kalena ay waddo inay dabka laydh tiriiga gaadhsiiso ugu yaraan 28.000 oo qoys oo ku nool dhulka tuuloyinka ah ee guud ahaan Itoobiya,

Gudoomiyaha shirkadani waxa uu Raysalwasaare Desaglein hortiisa ka sheegay in shirkadoodu si balaadhan uga qayb qaadanayso horumarinta beeraha Itoobiya, taasoo ka taageeri doonta dawlada inay ka midho dhaliso higsigeeda xiliga dheer.

Shirkadu waxay saliida iyo gaaska ka baadhaysay Kilinka shanaad tan iyo sanadkii 2013 waxana qorshahu ahaa in hawsha sahaminta lagu soo afjaro muddo 4 sanadood ah.

Sanduuqaha dhaqaalaha ee  Shiinaha ayaa tan iyo dhamaadka bishan December waxa uu mashaariic kala duwan gudaha qaaradda afrika kaga maalgeliyey adduun gaadhaya 4 Bilion oo Doolarka Maraykanka ah sida ay dhowaan cadeeyeen maamulayaasha baanka dhexe ee Shiinaha oo gacanta ku haya hawlaha sanduuqaasi oo tan iyo markii la abuuuray sanadkii 2007 gudaha Afrika ka fuliyey mashaariic isugu jirta horumarinta kaabayaasha, tamarta, kheyraadka macdanta iyo wershadaynta oo gaadhaysa 88 mashruuc oo laga hirgeliyey ilaa 37 wadan oo Qaaradda ka mid ah.

Comments are closed