|

Koonfur Africa “Ma Jirto in Riek Machar lagu Xidhay Pretoria”

Pretoria, 19 December 2016 (SDN/QJ): – Dawlada K/Afrika ayaa wax kama jiraan ku tilmaantay in Hogaamiyahii jabhadda SPLM  ahaana Madaxweyne ku xigeenkii hore ee K/Sudan Riek machar lagu xidhay Magaalada Pretoria ka dib dalab kaga yimid dhanka Magaalada Jubbah.

Wasiirka Arimaha Dibada ee K/Afrika oo ka hadlay arinta Riek Machar ayaa sheegay in uu ku sugan yahay wadanka K/Afrika iyaguna ay u fidinayaan xananada uu u baahan yahay, isla markaana uu Riek machar ku joogo halkaa iyagoo ay ka warhayaan  ururka IGAD iyo Dalkiisii K/Sudan.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee K/Sudan  Riek machar ayaa colaado ka dhacay darteed sadex bilood ka hor kaga baxay magaalada Jubbah  waxana uu xiligaa tegay jamhuuriyadda dimuqraadiga ee Kongo, ka hor intii aanu dhowaan dib ugu soo noqon Magaalada Khartuum ee Dalka Sudan oo uu uga sii gudbay dhanka K/Afrika oo la sheegay inuu u joogo hawlo dhanka caafimaadkiisa ah.

Dhanka kalena warka ku saabsan in la xidhay Riek machar waxaa beeniyey taageerayaashiisa siyaasadda , waxana warbixin uu afhayeenkiisu Mabior Garang siiyey wakaalada wararka ee Anadool uu ku sheegay in wararkaasi yihiin kuwo borobogaando ah oo ay waddo wax uu ugu yeedhay kooxda Jubbah ka talinaysa.

Comments are closed