|

‘’Weftiga uu Gudoomiye C.raxmaan Cirro Hogaaminaya ee Marba Ajaanib Kula Shiraya Nairobi Waa Inqilaab ay Dalka Ku Wadaan,Kana Yeeli Mayno inay Waddanka yimaadaan Wufuuda ay la Shireen’’ Wasiirul Dawlaha Arrimaha Dibada DAAWO

Hargaysa 18. December 2016 (SDN/QJ):-Wasiirul Dawlaha Arrimaha Dibada Somaliland Mudane Maxamed Mixile Boqore ayaa Socdaalka Weftiga uu Hogaaminayo Gudoomiye C.raxmaan Cirro ee Maalmihii u danbeeyay Magaalada Nairobi Kulamada kula qaadanayay Safaaradaha Reer Yurub Waxa uu ku Macneeyay Mid uu ku inqilaabayo Xukuumadda Talada haysa oo hawshaas iyadu u idman sida uu Xusay,Waxa uu Wasiirul Dawluhu ku Goodiyey inaanay Somaliland Iman Karin Madax ka Socota Safaaradaha uu Weftiga Waddani la Shireen ilaa ay Ogolaansho ka helaan Xukuumadda Somaliland isagoo Gudoomiye Cirro-na ku sifeeyay qof ay ka maqan tahay aqoonta Dublamaasiyadeed ee uu Mudada dheer ku soo dhex Jiray.

Comments are closed