|

‘’ Damiir xumo ayay innagu wada noqonaysaa dalkeenii iyo dadkeenii oo abaaro ku habsadeen in aan maalinba meel ku xafladayno’’ Safiirka Somaliland ee Uk

London 18. December 2016 (SDN/QJ):-Ambassador Ayaan Maxamuud Cashuur ayaa sheegtay inay damiir xumo noqonayso in dadkii reer Somaliland oo abaar baahsani hayso in kolba Xaflad soo dhaweyna loo sameeyo, isla markaana waxay xustay in la isugu yimaado oo kaliya shaqo iyo dardargelinta danta qaranka iyo jaaliyadda Somaliland ah.

Ayaan Cashuur waxay sidaa ku sheegtay qoraal ay soo saartay, waxaanu u dhignaa isaga oo dhameystiran sidan:

“Aad iyo aad ayaad dhamaan u mahadsantihiin casuumadaha badan ee aad ii fidiseen si aad iigu soo dhawaysaan xilka aan qaranka u qabtay. Insha Allah waxaynu isku arki doonaa kulanka casho ee ay jaaliyada somaliland qaban-qaabinayso, axadan, Insha Allah idinka oo dhamaantiin isku duuban, se waxaan ka cudur daaranayaa soo dhawayskaas marka laga yimaado oo kulan shaqo u badnaan doono iyo kulan isbarasho aanan aqbali karin xaflad kale.
Damiir xumo ayay innagu wada noqonaysaa dalkeenii iyo dadkeenii oo abaaro ku habsadeen in aan maalinba meel ku xafladayno, guud ahaana shaqooyinkeenii ayaa innaga wada dayacmaya. Waxaan ka codsanayaa cid walba oo xaflad ama soo dhawayn ii samayn lahayd inay taageerada iyo qarashka ku bixiso abaaraha, taas ayaa ajar inoo wada noqonaysa.

Anna waxaan diyaar u ahay in aan meel walba oo UK ah joogaana reer somaliland in aan idiinku imaado bilaa hadal iyo shuruud, waxa aan iskugu imanaynaana oo noqdo oo qudha shaqo iyo dardar galinta danta qaranka iyo jaaliyada.”

Comments are closed