|

Dhacdo Ugub Ku Ah Somaliland: Jamaal Cali Xuseen Oo Xaruntii Xisbiga Ucid Ku Lahaa Gobolka Saaxil Tir Tiray, Kuna Nashqadeeyay Astaanta Xisbiga Kulmiye

Berbera 18. December 2016 (SDN/QJ):-Xaruntii guud ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID ku lahaan jiray Gobolka Saaxil oo sida la sheegay uu maamulkeeda iyo maalgalinteedaba lahaa Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen Musharixii hore ee Xisbiga ucid ayaa si rasmiya looga dajiyay calankii iyo astaamihii Xisbiga ucid waxaana islamarkiiba la sudhay astaamaha iyo calanka xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye,arintaasi oo kor u qaadatay Taageeradii uu Xisbiga KULMIYE ku lahaa Gobolkaasi.

Xaruntan oo sida lagu baahiyay Mareegayaha Wararka Berbera shaqaynaysay ilaa sanadii 2012kii ilaa wakhtigaas gacanta kuhayay maamulkeeda iyo maalgalinteedaba Musharixii hore ee xisbiga cadaalada Iyo daryeelka ee ucid Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo dhawaan si rasmiya ugu biiray xisbiga kulmiye isaga iyo taageerayaashiisii tirada badnaa ee dalka gudihiisa iyo debediisaba ku kala dhaqnaa.

Xaruntan hore loogaga arimin jiray Xisbiga Cadaalada iyo daryeelka Ucid ayaa Shalay waxa la arkaayay iyada oo lagu xardhaayo calanka labada midab ah ee Xisbil xaakimka Kulmiye iyada oo aanay jirin haba yaraatee xarun uu ku leeyahay Xisbiga Faysal Cali waraabe horjoogaha ka yahay Gobolka Saaxil iyo degmooyinka Hoos yimaadaba, waxaana la odhan karaa waxa arintaas usabab ah xisbiga UCID ee uu Gudoomiye Faysal cali waraabe cunaha iskaga duubay ee uu ka dhigtay dukaan yar oo ganacsi oo uu leeyahay isla markaana uu ka horjoogsaday Musharixiintii sharciga ahaa ee xisbiga lasoo halgamay soona sooray oo uu hormood u ahaa aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen.

Sidoo kale Faysal Cali Waraabe oo sheegta Musharaxa Rasmiga ah ee xisbiga UCID ee sumcadiisu hoos udhacday ayaad moodaa in aanay talada ugu jirin inuu Xisbigiisu sii jiro waxaana la filayaa inuu Xisbi sii ahaan doono inta ka hadhay doorashada golayaasha deegaanada dalka oo dib loo furi doono xisbiyada siyaasada.

Bulshada reer Berbera ayaa waxa ay maanta arintan astaamaha xisbiga Ucid lagu tirtiraayay ku macneynayee Kelmada xigamada Badani ku duugantahay ee “Kana Siib Kana Saar”.

Comments are closed