|

Cabsidii Ugu Xooganayd oo la Soo Deristay Xubnaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashada Somalia iyo Hanjabaadyo culus oo loo jeediyay

Muqdisho 18. December 2016 (SDN/QJ):-Xubnaha Guddiga xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka dadban ayaa lagu soo waramayaa in ay lasoo daristay cabsi xoogan kadib markii loo jeediyay hanjabaadyo dhinacyo kala duwan kaga imaaneysay.

Guddiga Xalinta Khilaafaadka ayaa waxaa lasoo darsay cabsi xoogan kadib markii maalmo kahor ay laaleen sharci darana ku tilmaameen qaabkii loo soo doortay 11-Xildhibaan oo loo soo doortay in ay kamid noqdaan Aqalka Hoose.

Guddoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee xalinta khilaafaadka doorashooyinka C/Risaaq Barre Jaamac ayaa xubno kamid ah Beesha Caalamka ay la kulmeen Guddiga u shegay in xaaladooda ay halis ku jirto loona hanjabayo.

Mr Jaamac ayaa sidoo kale u sheegay Wakiilada Beesha Caalamka in lagu leeyahay qarashka Hoteeladii ay degnaayeen , waxa uuna tilmaamay in ay jiraan xaalado adag oo lasoo darsay xubnaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka .

Xubnaha Guddiga ku jira oo u badan kuwa Qurbo joog ah ayaa lagu waramayaa in ay qorsheenayaan in ay si deg deg ah uga baxaan magaalada Muqdisho ayna gaaraan magaalada Naarobi halkaas ay kasii wadi doonaan maalmaha yar ee howshooda uga harsan.

Guddiga Xalinta Khilaafaadka ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa lasoo darsayay culeesyo badan kadib markii ay laaldeen 11-Xildhibaan oo lasoo doortay, waxaana arintaasi kasoo horjeestay Maamul goboleedyada Xilfhibaanadaasi lagu soo doortay.

Beesha Caalamka gaar ahaan Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sidoo kale Guddiga Doorashooyinka ka dalbaday in ay cadeeyaan sida loo xaliyay 13 kiis oo kamid ahaa 24 kiis oo Kuraasta Aqalka hoose ay horey u sheegeen Guddiga in si qaldan loo soo doortay.

 

Guddiga Doorashooyinka iyo Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashada ayaa waajibaadkooda ku egyahya marka la dhaariyo Xildhibaanada Baarlamaanka lana doorto Gudoonka Baarlamaanka ee labada Aqal.

Comments are closed