|

Beesha Caalamka oo Su’aalo Adag ka Weydiisay Guddiga Xallinta Khilaafka Doorashada Soomaaliya Muranka Jira

Muqdisho 18. December 2016 (SDN/QJ):-Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan arrimaha Soomaaliya Michael Keating, ayaa ka warramay waxyaabaha lagaga wadahadlay Shir Wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya la yeesheen Guddiga Madaxa-bannaan ee Xallinta Khilaafaadka doorashooyinka Federaalka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay Mr. Keatin in Guddigaas ay ka dalbadeen inay bixiyaan faahfaahin la xidhiidha diiwaanka Kuraasta la sheegay in lagu muransan yahay oo ay Guddigu soo celisay oo muran iyo khilaaf ka dhex-abuuray Maamul-goboleedyada, Guddiyada heer Maamul-goboleed ee doorashada, Guddiga Sare ee Heer Federaal iyo Guddiga xallinta Khilaafaadka doorashooyinka Soomaaliya.

 

War Qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabbilsan Soomaaliya ee magaalada Muqdisho Machael Keating , ayuu kaga hadlay arrimahaas iyo nitiijada kulankaas. Waxaanu Warkaas ku sheegay in Guddiga Xallinta Khilaafaadka doorashooyinku ay hore Beesha caalamka ugu gudbiyeen diiwaan ay ku qoran yihiin 24 Xildhibaan oo khilaaf ka taagan yahay doorashadoodii Xubinnimada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya.

 

Hase-ahaatee, ay Guddigu Arbacadii si rasmi ah Warbaahinta ugu faafisay liiska 11 Xildhibaan oo khilaaf ka taagan yahay oo keliya, taasina ay keentay in Wakiilka Qaramada Midobay ee Soomaaliya iyo waddamada beesha caalamka ee daneeya geeddi-socodka doorashooyinka Soomaaliya ay faahfaahin dheeraad ah uga baahdaan Guddiga Xalinta Khilaafaadka sida ay 24 kii Kursi ee ay hore u sheegeen uga soo reebeen 11 Kursi oo keliya.

 

Waxaa War-Saxafadeedkan lagu sheegay in gudiga looga fadhiyo sharaxaad la xidhiidha jidkii loo maray haddii la xalliyay khilafkii ka taagnaa 13-ka Mudane ee aan lagu darin diiwaanka cusub, balse liiskii hore ku jiray, haddii aan xal loo helin Kuraastaasina ay faahfaahin ka bixiyaan sababta ay uga reebeen liiiskan ay dhawaanta soo saaren.

 

War-Saxaafadeedkan ayaa lagu sheegay in haddii aan lagu darin Kiisaska Khilaafku ka taagnaa gaar ahaan kuwii murankoodu aadka u cuslaa ay boqon-goynayso guud ahaanba habsami-u-socodkii doorashada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, taasoo saamaynta ama dib-u-dhaca ku yimaaddaa, yahay mid sidoo kale saamaynaya qabashada doorashada Madaxweynaha oo loo muddeeyey in la qabto 27-ka bishan Diiseembar 2016-ka ee aynu ku jirno.

 

Waxaa Warqaddan loo kala diray Madaxwaynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Ra’iisal-wasaaraha iyo Ku-xigeenkiisa iyo sidoo kale Madaxwayneyaasha Maamul-goboleedyada Soomaaliya ee kala ah Puntland, Jubaland, Koonfur-galbeed, Gal-mudug iyo Hir-shabeelle.

Comments are closed