|

“Reer Awdaloow Ciyaartaasi Kulmiye Waddo Garanmaysaan oo Waa Qolo Qalo ee Nimankaasi iska soo Caraabiya”Wasiir Abgaal

Hargaysa 16. December 2016 (SDN/QJ):- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Maxamed Jaamac Abgaal,   oo Shalay ka hadlayey munaasibad ay xilalka kula kala wareegayeen Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Somaliland, ayaa Weftiga Xisbiga Kulmiye ee ku sugan Boorama ku eedeeyay inay halkaa u tageen Qabyaalad iyo inay kala furfuraan Bulshada halkaas ku dhaqan.

Maxamed Jaamac Abgaal, ayaa sheegay in Xisbinimada Somaliland ku dhisan tahay Qabyaalad, sidaasi darteed uu Xisbiga KULMIYE Weftiga ka socdaa uu Magaalada Boorama geeyay Qabyaalad ee aanay Nasteexo kale u tagin.

Abgaal oo ka hadlayey Munaasibaddii ay  xilka kula kala wareegeen Wasiirka cusub ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Wasiirkii hore ee Wasaaraddaasi, ayaa yidhi, “Xisbinimadii waxay ku socotaa Qabyaalad iyo reernimo, magaalo walba dhalinyarta joogta qabyaalad ma doonayaan, Xisbigaygii Kulmiye ee aan doonayay inuu soo baxo qabyaalad ayuu geeyay Awdal, reer Awdal Qabyaaladda ma yaqaanaan oo ma ciyaarin karaan ee ha laga daayo waxaa lala tagay magaalada”

Abgaal oo hadalkiisa sii wataa waxa kale oo uu sheegay, “Xisbiga Kulmiye Ragga sidaasi ku kaxeeyay dalka iyo Xisbigaba waxba uma soo kordhinayaan, reer Awdal waxaan leeyahay waxaad ciyaaraysaan kubaddii Gobollada maaha ee waa mid qolo qolo ah ee Raggaasi iska soo amba bixiya”ayuu yidhi Abgaal.

Comments are closed