|

“Waxaan Ahay Qof Caqli Badan, Uma Baahni War-bixinnada Sirdoonka..” Donald Trump

Washington 16. December 2016 (SDN/QJ):- Madaxweynaha la doortay ee Dalka Maraykanka Donald Trump, ayaa sheegay in aanu u baahneyn in uu ka qayb-qaato Warbixinada sirdoonku siiiyaan Madaxweynaha ee maalinlaha ah.

Sababta ayuu ku sheegay in uu yahay qof caqli badan oo aan waxaas oo kale u baahneyn.

“Waxaan ahayn nin caqli badan. Ma doonayo in aan maqlo hadal isku mid ah maalin kasta oo muddo siddeed sano i daba joogta.” Ayuu yidhi Trump oo la hadlayey Telefiishanka Fox News, waxaanu intaa ku daray isagoo ka jawaabaya su’aal laga waydiiyey War uu qoray Wargeyska Washington Post oo sheegaysa in Ruushku gacan ka geystay Guusha uu ka gaadhay Doorashadii 8-dii November, “Dadkii sheegay in Saddaam Xusseen haysto hubka wax gumaada ayaa warkanna sheegay, ma oga meel lagaga soo dhacay, cid kasta ayey noqon kartaa.”

Xildhibaano ka mid ah Aqalka Odayaasha ee Maraykanka ayaa xujeeyey in baadhitaan madaxbanaan loo saaro in Dowladda Ruushku isku daydey in ay gacan ka geysato guusha Trump.

Donald Trump oo lagu wado in bisha January 20 keeda loo dhaariyo xilka Madaxweynaha, ayaa sheegay in uu ka fiirsanayo Diblomaasiyadda Maraykanka ee ku aadan Shiinaha ee ah One China, taas oo meesha ka saareysa Jasiiradda Taiwan, arrintan ayaa la aaminsan yahay in ay si weyn uga cadhaysiineyso dalka Shiinaha.

Comments are closed