Talyaaniga: Nin Naakhuude ka ahaa Dooni Qarqoontay oo Lagu Xukumay Dhimashada 700 oo Tahriibayaal Ahaa DHAGAYSO
Roma 16. December 2016 (SDN/QJ):- Dawladda Talyaaniga ayaa 18 sano oo xabsi ah ku xukuntay nin u dhashay dalka Tunisia oo lagu eedeeyay doorkii uu kulahaa dhimashada 700 oo qof oo tahriibeyaal ahaa.
Dadkaasi ayaa bishi April ee sanaddii 2015 waxa ay ku geeriyoodeen badweynta Mediterranean ka, markii ay la degtay doonidii ay saarnaayeen.
Sidoo kale maxkamaddu waxay 5 sano oo xadhig ah ku riday kaaliyihiisii oo la sheegay inuu u dhashay dalka Syria.
Boqolaalka qof ee ku dhintay doonidaasi ayaa waxaa ku jiray dad badan oo Afrikaan ah oo Soomaalina ay ka mid ahayd.